Kulan lagaga Arinsanayay Dhismaha Cusbitaalka Maandhaye ee Dagmada Qoryaale oo lagu qabtay Bariga Magaalada London.

0
653

hoolkasaasa (1).jpghulaala.jpgkulan(2).jpgjalam.jpgxaflaga.jpg

(Qoryaalenews) AXAD , November 22, 2015 19:52:17Hirgalinta dhisme Xarun Caafimaad oo lagu Daryeeli doono,Dadka ay Haleeleen Xanuunada ku dhaca Maskaxdu, ayaa laga dhisi doonaa Degamada qoryaale oo ka mid ah

Kulan lagaga Arinsanayay Dhismaha Cusbitaalka Maandhaye ee Dagmada Qoryaale oo lagu qabtay Bariga Magaalada London.

Hirgalinta dhisme Xarun Caafimaad oo lagu Daryeeli doono,Dadka ay Haleeleen Xanuunada ku dhaca Maskaxdu, ayaa laga dhisi doonaa Degamada qoryaale oo ka mid ah Deegaamada ka tirsan Gobolka Togdheer.

Dhismaha Xaruntan ayaa la sheegay in ay ku baxayso Kharash dhan 120,000 oo Dolarka Maraykanka ah, kaasi oo Kharasha intiisa badan ay bixinayaan Dadweynaha u dhashay Deegaankaasi, haddii ay tahay Jaaliaydda Dibadda iyo kuwa Somaliland ku Nool ee Kasoo jeeda Degmada Qoryaale.

Haddaba Maalinimadii Sabtida ee Taariikhdu ahayd 21/11/2015 ayaa markii u horaysay kulan lagaga hadlayo sidii dhaqaale loogu helilahaa Cusbitaalka qaybta Maskaxda ee Degmada,kaasi oo ka dhacay Bariga Magaalada London,Waxana diiradda lagu saaray sidii

loo dhamaystiri lahaa,Xaruntan oo noqondoonta mid wax ka tari doonta Baahida dhinaca Caafimaadka,gaar ahaan Xanuunada dhinaca Maskaxda.

Geesta kale xubnihii iyagu Nasiibka u helay inay goobta hadal ka yidhaahadaan ama araadooda ka dhibtaan, ayaa dhamaantood hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay Hirgalinta Dhakhtarkani, waxana ay dhamaantood iska daba Mareen Baahida loo qabo Xarun Caafimaad oo lagu daryeelo Dadka aanu Xiskoodu Dhamayn ee la ildaran Xanuunada Maskaxda Naafeeya, oo Dayac iyo Darxumo u dheertahay Xanuunka ka sokow aan haysan Gabood ay ka galaan, dhaxanta iyo Milicda, iyada oo Bulshada intooda Badqabta lagu Imtixaanayo, Dadkaasina ay yihiin dadkeeni.

Ugu Danbayntii Xildhibaan Mubaarak Bidhi oo ka mid ah Xilibaanada Golaha Deegaanka Degmada Burco, oo Kulanka kaga qaybqaatay Khadka Telifoonka ayaa Dadweynihii goobta isugu yimi,uga mahad Celiyay hawsha balaadhan ee ay iska xilsaareen,waxana uu intaa ku daray Baahida uu Deegaanku u qabo adeeg Caafimaad oo la xidhiidha Xarumaha lagu Daryeelo Dadka aanu Xiskoodu dhamayn,waxaanu Bulshada Deegaankaa ku dardaaray in ay arintan dhakhso uga hawl galaan si ay ugu gurmadaan walaalohooda dhiban.

Goor dhaw filo farimihii Kulankaa kasoo baxay oo Maqal iyo Muuqaal ah.

Qoryaalenews London

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here