Isbahaysiga Dimuquraadiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Safar Ay Bari Ku Tagayaan Gobolka Togdheer, Cadeeyayna In Aanay Aragtidoodi Siyaasadeed Waxba Iska Badalin.

0
595

(QYN-Hargaysa) Siyaasiyiinta ku midoobay Isbaahaysiga Dimuquraadiga KULMIYE, ayaa ka hadlay u jeedada safar ay bari ku tagi doonaan xarunta Gobolka Togdheer ee Burco, isagoo kalena waxay ka hadleen warar kala duwan uu warbaahintu ka mala awaalaysay maal mihii u danbeeyay ku waas oo la xidhiidha Mustaqbalkooda Siyaasadeed. Qoraal kooban oo ay arrintaas kaga hadlaayaan oo nuqul kamid ah la soo gaadhsiiyay Shabakadda wararka ee Somalilandtoday.com ayaa u dhignaa sidan.

“Weli Xisbi kale iyo aragti kale maanu qaadan ee waxaanu u taaganahay helitaanka xaqa muwaadin walba u leeyahay doorasho xor ah xisbi ahaan iyo qaran ahaanba waxaanan safar xog-weraysi ah ku gaadhi doonaa Caasimada Gobolka Togdheer ee Burco ”

Isbaahaysiga Dimuqraadiga ah ah ee Xisbiga kulmiye isagoo ka duulaya qiimaha ay leedahay xog gaadhsiinta qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool gobolada iyo degmooyinka dalka sidoo kalena ka jawaabaya codsiga taageerayaasha jecel , waxay beri safar xog-weraysi iyo xog-siin ah ku teggi doonaan magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco.
Mudada safarkani socdo ayey Isbaahaysiga Dimuqraadiga ah ee Kulmiye la kulmi doonaa Bulshada qaybaheeda kala duwan iyadoo lagala hadli doono ilaalinta maslaxda caamka ah iyo u diyaar garowga doorashada kaabiga soo saaran.
Waxaa sidoo kale sixitaan ah wararka ay mala awaaleen warbaahinta qaarkood oo aan leeyahay “Isbaahaysiga Dimuqraadiga ah ee Kulmiye aanu wax heshiis ah la gelin Xisbi kale isla markaana aanu qaadan aragti kale balse ay yihiin Isbaahaysi u taagan helitaanka xaqa muwaadin walba u leeyahay doorasho xor ah xisbi ahaan iyo qaran ahaanba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here