Maxaad Kaaga soo baxay Fadeexaddii Siyaasadeed ee Xafladii kooxdii Kulmiye (City Plaza) Magaaladda Burco ?

0
523

..Muuse Biixi waxaan ku leeyahay tageero kuuma keeni-kartaan nimankan odayaasha ama siyaasiyiin ku sheegta ah , iskama difaaci kartid oo wax kaa difaacaya ma heli-kartid tageeradda balaadhan ee Isbahaysiga G/Togdheer looga hayo ……waana guul la arki doono maalinta codbixinta dalka haduu allah yidhaahdo ..

Xaflad ay qaban-qaabadeeda Magaalada Burco ka wadeen maalmihii u danbeeyay kooxda ka kooban dhowr qof, isla markaana lagu qarash-garaynaayay Lacago lagu qiyaasay $ 22000 Doolar , oo baaqatay muddo Afar jeer ah , ka dib markii la waayay cid soo camirta ama ka soo qaybgasha.

Dadka oo muddo laga uruurinayey Magaalada Burco , ayaa waxaa loogu sheegay inay soo dhawaynayaan masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye siiba Garabka Muuse iyo Xukuumadda oo la doonaayay in ay Burco yimaadaan, sida Marwadda Madaxweyanaha Aamina Waris ,Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo weliba Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin , arimahaasi oo dhamaantood la doonayey in dadka lagu soo jiito , taasi oo aakhirkii beenowday , Waxaaney taasi sababtay in la kala diro hawlihii kharashka badan ku baxay (4500 Dolar ) sida Fardihii iyo Awrtii loogu talogalay in Masuuliyiinta Hargeysa ka imanaysay lagu soo dhaweeyo Dhinaca kale masuuliyiintii la sugaayey ayaa ogaaday ,iyaga laftoodu xaaladda ka jirta Magaaladda Burco , oo ay ka baqeen , inay ku fadeexadoobaan , madaama dadka loo baryayaayo ama waxaa lagu ururiyeyna ay ahayd kharash , iyagu ay burco u direen wakiiladda Burco, waxaana soo ifbaxday ka dib ; markii ay xaqiiqada ogaadeen in aan dadweynaha reer Burco soo dhawaynaynin kooxda Muuse ee Kulmiye , isla-markaana aanay wax taageero ah u haynin ,oo ay gebihaantood maanta ay taageersan yihiin isbahaysiga Dimuqraadiga ah ee Xisbiga Kulmiye iyo Md Xirsi Cali X.Xasan.

Geesta kale Xafladaasi yar ee lagu qabtay Hotelka City Plaza ee Magaalada Burco, ayaa markii la waayay taageerayaashii Xisbiga Kulmiye lagu yaqaaney ee G/ Togdheer , waxa ka soo qaybgalay dad iskugu jira Dumar ,Caruur, Lacago loo qaybiyay iyo dadkale oo aan Xisbiga Kulmiye ka mid ahaynba.

Waxaaney arimahan oo dhami cadaynayaan sida aaney bulshadda reer Togdheer ama taageerayaasha Xisbiga Kulmiye u doonaynin Hogaamiye Askari ah oo Xisbiga Kulmiye Musharax u noqda.

“BIIDDOW YAAN CAMALKAA KU SHEEGIN”

Hadaba Raggii halkaa ka hadlay , hawshaana qaabilsanaa waxaa ka mid ahaa afar nin oo ugu horeeyo: kuwii Khudbadaha ka jeediyey Sida Gud. Xisbiga Kulmiye Ee G/ Togdheer Md, Xasan Mataan., oo aan ka soo jeedin degaanka G/Togdheer marka loo eego labadii Gudoomiye ee ka horeeyey , isla-markaana ka soo jeedda degaanka Qorilugud (Buuhoodle).

1. Gudoomiyaha Kulmiye G/Togdheer: ayaa isagu aflagaadeeyey Beelaha Maxamed Sh.isaxaaq (Cimraan) oo ku celiyey, kana magaacabay iyagoo keliya magacooda ku sheegay in yihiin Cimraan inay 50 qof inagala joogaan , tageero-na u hayaan Muuse Biixi , taasi oo gef ku ah milgaha Beelahaasi – waxaan u sheegayaa Gudoomiyaha ; bal ogow Suldaanka Guud ee Beelaha Maxamed Sh.Isaxaaq (Suldaan Maxamuud X.Xuseen) ayaa ah tageerayaasha ugu waaweyn ee Isbahaysiga, waana beesha 2aad ee degaanka G/Togdheer la xulufo Beel-weynta Gashaanbuur (GAF), mana aha magacooda mid ay 50qof lagu calaamadiyo ama ay ku metelaan , waana gef lagula kacay Beelaha balaadhan ee Cimraan, oo aan maanta Hal Wasiir oo buuxa ku lahayn Xukuumadda Kulmiye, adiga Gudoomiye Xildhibaankaaga Barlamaanka waa Xildh, Cabdi-casiis “Dhul-cun” miyaanu Isbahaysiga ka tirsanayn isaga iyo Beesha Solo-madowba!!!.

2. Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamuud (Diigool) ayaa isaguna halkaa ka hadlay , isagoo sheegay inuu ka werweraayo inuu markasta Hargeysa tego, taasuna ay ku kelifayso inuu ku qas-banyahay inuu Muuse Codka siiyo, waxaa loo soo kaxaystay xildhibaanka inuu waxii lagu soo shubay uu halkaa ka jeediyo , waxaana aan leenahay xildhibaan beeshaada siyaasigoodu waa Cabdi-karin Xinif , isaguna isbahaysiga ayuu ka tirsan-yahay waana kugu gef in aad meel kaga dhacdo ,dadkii codka ku siiyey baqasho aad muuse ka baqayso , inaad codkaaga ku bixiso, waxaan ku leeyahay Hargeysa waa caasimaddii S/land , hadaad muuse cod siiso iyo haddii kaleba (Ha ka werwerin) !!!!.

3. Jaamac Xaaji Axmed ayaa ka hadlay halkaa , isagoo sheegay , isagoo itaalkii difaacayey Muuse Biixi oo wali hotel Maansuur Iyo suuqa Gobanimo musharax ah , Isla-markaana aan dhinacna u dhaafin: isagoo sheegay in “Xildhibaan Waabeeyo Iyo Muuse Biixi Midna Kun Cod Ayuu Keenay Midna Boqol Iyo Labaatan Kun”, oo siduu isagu sheegaye, oo ay kala mudan-yihiin , waxaan leenahay Jaamac X.Axmed , Xildhibaan Wabeeyo cod badan intaa aad sheegtay oo gaadhaya 17500 cod ayuu oodweyne ka keenay , isla-markaana xildhibaanimaddii Kulmiye –na 5500 cod ayuu kaga soo baxay Burco , malaa adigu waqtigaa waxaad dilaal ka ahayd seyladda Xoolaha Dhoqoshay , waxaad u baahantahay in qof codadkii uu keenay Kulmiye laba jeer Xildhibaanku oo weliba beeshiisu ay xisbiga Udub ahayd , awoodiisa sidaasi ku dadaalay iyo in aad dadka aqoonta u leh wax ka weydiiso , xaal ayaanu ka bixinaynaa gefkaa xildhibaanka codadkaa qiimaha leh, ee Beeshiisu waqtiga badan bacadka u taagnayd , waana hadal diblamaasiyada ka aradan , waxaana aan leeyahay Jaamacow; Xildhibaankaaga Barlamaanka JSL , Waa Xildh.Farxaan Maxamed Cali waxuu ka tirsanyahay Isbahaysiga , isaga iyo tageerayaashiisuba!!!!!.

4. Shariif Abokor Dhuux-yare: ayaa isaguna halkaa ka hadlay oo sheegay inay cawjad iyo xabad sitaan isbahaysiga , waana wax aad laga xishoodo , hadaladaasi uu jeediyey oo ku qotamin milgaha siyaasadda iyo wax ku dhisan dublaamasinimo , Shariif waxaan leeyahay Chief Caaqilka Guud ee Gashaanbuur Axmed Faarax waa adeerkaa Chief Caaqil Xasan Dhuux-yare , isla-markaana Xildhibaankaaga Degaankana waa Xildhibaan Mubaarik (Bidhi) halkay tageersan yihiin ,intaas ayaa kugu filan , inaad tageero u hayso Muuse, waxaana kuu fiican inaad xawaaladii Mustaqbal ee Burco aad ku noqoto shaqadaadii , madaama aad ku hafatay Siyaasadda S/land.

Halkaas waxaan idiinku soo gudbiyey, qaar ka midda hadaladii aan xigmada lahayn ama siyaasada ka aradnaa ee ay masuuliyiintaasi ka jeediyeen xafladaa , oo itaalkii raadinaya inay gacanyare u noqdaan siyaasiyiinta Hargeysa oo iyagu doonaya ,sidaa inay tageero uga raadiyaan dadka Burco ,

Haddii Muuse ay wakiiladiisa G/Togdheer ay si toos ah ugu habboon yihiin , ay tageero u hayaan mid kamid ah siyaasiyiinta maanta u tartamaya madaxnimada dalka. Siyaasigaasi sidaan u arko malaha awood hogggaamineed, mid ciidan mooyee. Markaa haddii koox aan tageero ku lahayn G/Togdheer ay xaflad u qabtaan iyo haddii kale , waxay noqonaysaa bal yaan camalkaagu seejin kursigaa.

Muuse Biixi waxaan ku leeyahay tageero kuuma keeni-kartaan nimankan odayaasha ama siyaasiyiin ku sheegta ah , iskama difaaci kartid oo wax kaa difaacaya ma heli-kartid tageeradda balaadhan ee Isbahaysiga G/Togdheer looga hayo , mid aad sidaasi aad hogaamiye musharaxa ku noqonaysa ma jirto , ninkaagan ku leh iga difaaca siyaasiyiinta isbahaysiga ah, aad baan uga xumahay Muuse itaal darada siyaasadeed ee ku soo waajahday.

Arimahan fadeexado kala gedisan ama Guul-darooyin siyaasadeed hambaarsan ee ku habsaday Xafladii kooxda muuse biixi Burco ku qabteen ,si uu uga jawaab celiyo itaalkii ,Dhoolatuskii dhul-gariirka ahaa ee ay Burco ka dhigeen Waftigii Isbahaysiga Dimuqraadiga Xisbiga Kulmiye ee uu horkacaayay Wasiirkii hore ee Madaxtooyadu Md Xirsi Cali X. Xasan ,kuwaasi oo dadweynaha reer Togdheer ku soo dhaweeyeen taageero aan abid gobolkaasi beryahaa lagu arag.

Waxaa maanta cad in siyaasiyiinta Muuse Biixi uga wakiilka goboladda Bariga ay yihiin kuwo madaxa gidaarka la dhacaya, ayna yihiin kuwo qoraxdii ka dhacday oo gudcur gudaya; Siyaasada Muuse “Meelna Gaadhi Meyso/ Yaa Ehel u ah”.

dadBurcoKulmiye-259x300weynaha G/Togdheer waxay fariin ku direen , iyagoo midaysan sida ay codkooda u siinayaan Siyaasiga Mudane Xirsi Cali X.Xasan , taasi oo macneeheedu tahay in Isbahaysigu gacantana ku haystaan inta badan tageeradda Goboladda Bariga S/land ayna iminka gacanta u gashay Md Xirsi Cali X.Xasan iyo Isbaahaysiga waana guul la arki doono maalinta codbixinta dalka haduu allah yidhaahdo

Muuse iyo kuwa la jooga waxay ka tagi doonaan magac xumo tii ugu Weyneyd ebed oo qof siyaasada Somaliland gala uu soo waajahda.

By, Diiriye Jamac Guleed.

Burco, S/land

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here