Qaar ka mida Ciidanka Qaranka Somaliland oo hoogaminayo Faysal Cabdi Bootan iyo xubno buuq geliyay shirki Besha Buraale Maxamed uga socday Magaalada Shashcaade.

0
906

Wararka Aanu Ka Helayno ah shirka beel ka mida beelaha Axmed Farax ee Buraale Maxamed oo shalay shir uga furmay magaalada Shashcaade ayaa Goob Joogayaal Ku Sugan shirka oo kamida ergadi shirka ka qayb gashay ayaa noo xaqiijiyay inay shirka yimaaden Maanta .Taliyaha Cidanka Qaranka Ganbadha Gashanle Faysal Cabdi Bootan iyo Cidan Ilaala ah oo uu wato iyo Taliyaha Saldhiiga Maxamed Cali Ee Burco kabtan Sablaale .kabtan Fuad oo hore u ahaa taliyaha Saldhiiga Adan Saleban Burco .iyo Maxamed Adan oo ah Sarkal ka tirsan wasarada Xananada Xoolaha Togdheer shirkan ayay u tagen inay majara habaabiyaan habsami u socodka shirka islamarkaana shirgudoonka ku khasban in lagu daro siyaasada oo ay doonayen in shirka laga tageero musharixinta xisbiga kulmiye muse Bixi iyo Cabdiraxmaan Saylici .

Shirkan ayay markay yimaaden xubnaha sarakiisha ah hakad galay shirki, shirkan oo ahaa shir ay beeshu kaga tashanaysay aayaheeda. Xubnahan saraakiisha ah ayaa waxaa ka danbeeyay wasirka hawlaha Guud Cali Xasan (Cali Mareexan) Oo Intii Uu Ku Sugnaa Burco u soo dhiibay Sedex kun Dalar si ay u duwaan marinka shiCarka
sidi ayuu shirku ku bilaabmay. Shirki oo cadi u socda ayaa maanta waxaa lagu warhelay xubnaha cidanka wata oo shirka yimi oo ka mid ahaayen xubnaha kor ku xusan .
Waaxa wax lala yaba in cidaamadi iyo sarakiishi ay soo galen siyaasadi arintan oo keni karta cawaqixumo oo hore uu dhiicin.. Gashanle Faysal Cabdi Botan oo ah taliyaha jiida ganbadha iyo taliyaha Saldhiiga Maxamed Cali Burco oo maanta ay la kala wareegayen taliyhihi cusba Togdheer loo soo magacaabay .Taliye Sablaale waa taliyaha kaliya ee Maanta ka maqna xilwareejinti labada taliye oo ay goob joog ka ahaayeen dhamaan taliyayaashi saldhigyada Burco oo dhan.

Ilaa hadda shirki waaxa awood cidan ku joojiyay xubnaha xaga hore ku soo sheegnay ,shirkan oo ahaa shir dhaqan waxaanu idin soo sheegi doona halka uu ku danbeeyo
Haddaba waxaa la sugi donaa talaabada ay ka qaadi donaan madaxda sar sare ee ciidamada milatariga iyo boolisku falkan ay ku kaceen xubnahani iyo sida laysugu halayn karo ciidamada madaamada ay markii hore ka madax banaanayeen siyaasada+

Cali Jamac Farax
calijamacfarax@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here