/in-ragna-la-dadifeeyo-dibadda-laga-dhigo-nin-na-la-isaga-cumaamado-murashaxnimada-kulmiye-ninka-cirka-roob-ku-ogow-adiga-ayey-ku-talaa-gudd-3-aad-ee-kulmiye/

0
605

“Shirkii lagu doortay Muuse Biixi Cabdi mid aanu aamisanahay maaha…,Dad baa yidhaahda Isbaahaysigii Kulmiye ayaa xisbigaas Iibsanaaya…”Wasiirkii hore ee waxbarashada Somaliland Geedoole

Hargeysa, 13/12/2015 Qoryaalenews.com)-Guddoomiye Kuxigeenka 3aad ee Xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Maxamed Taryanle, Wasiirkii hore Waxbarashada Somaliland Faraax Cilmi Geedoole, ayaa sheegay innaaney marnaba aq-bali doonin murashaxnimada Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici ee xisbiga talada haya ee Kulmiye, isla markaana waxay sheegeen in aaney jirin xisbi ay iibsanayaan.

Sidaa waxay ka sheegeen hadal maanta ka jeediyeen Hadhimo Sharafeed isugu jirtay dhoola-tus iyo bogaadin  oo Xildhibaan Gijaandhe ku qabtay Huteelka Hadhwanaag  ee Magaalada Hargeysa, ayaa halkaas ka jeediyey weedho ay ku durayaan murashixiinta doorashada soo socota u tartamaaya xisbiga Kulmiye.

Guddoomiyaha 3-aad ee xisbiga Kulmiye oo halkaas ka hadlay waxa uu yidhi,“In ragna la dadifeeyo oo dibadda laga dhigo, nin-na la isaga cumaamado murashaxnimada Kulmiye oo la yidhaahdo intiinaa waanu idinka maaranay. Ninka cirka roob ku ogow adiga ayey ku talaa. Ummadda reer Somaliland kuma eeka Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.”

Wasiirkii hore Waxbarashada Somaliland Faraax Cilmi Geedool, oo isna hadalkooban ka jeediyey munaasibadaas, ayaa sheegay inay ka cadhoodeen cadaalad-darada ka dhacday shirkii Kulmiye ee lagu doortay Murashaxiinta jagada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa ahna Madaxweyne kuxigeenka Axmed Siilaanyo Cabdiraxmaan Saylici waxaanuu yidhi,“Dad baa yidhaahda Isbaahaysigii Kulmiye ayaa xisbigaas iibsanaaya ama halkan maraaya. Anagu xisbiga Kulmiye ayaanu nahay, taageerayaashayadiina halkan ayey joogaan. Shirkii lagu doortay Muuse Biixi Cabdi mid aanu aamisanahay maaha, taas ayaa naga go’an. Waxaanu ku baaqaynaa badbaado ee maaha mid kursi. Waayo, kursigii aanu ku fadhinay waxaanu uga tagnay cadaalad-darada Kulmiye.”

 

 

Caarshe7@hotmail.com  ama Caarshe00@gmail.com Office Hargeysa MMKastan.com Hargeysa

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here