Md Xirsi Cali X.Xasan : Siyaasi jebiyey Derbigii Siyaasada Beelaysan ee Somaliland.

0
607

.…Xirsi waxaa lagu doodi karaa inuu yahay hogaamiye soo joogsi leh (charismatic leader)..arinta ugu muhiimsan ayaa ah in Xirsi Cali X.Xasan u muuqdo inuu dareensan yahay in dalka Somaliland uusan sinaba u maamuli karin hogaamiye beeshiisa oo kaliya taageero ka haysta, balse siyaasiga doonaya inuu dalka hogaamiyaa u baahan yahay ……

Waxaa beryahan masraxa siyaasada Somaliland , ka soo muuqday Tageeradda Balaadhan ee Isbahaysiga looga hayo daafaha S/land , Siyaasiyiintan isbaahaysiga Kulmiye waa koox ilaa xad isku duuban, waana awood Siyaasiya oo xoog badan saamaynna ku leh mujtamaca iyagu wax doorta

Md, Xirsi Cali X.Xasan si kedis ayuu siyaasada ugu soo biiray , ka dib markii Madaxweynaha JSl Md Axmed Siilaanyo  uu markiiba u  xushay Wasiirka Madaxtooyadda Sannadkii 2010, oo waqtigaasi awood badan dalka ku lahayd , ayna hoos iman-jirtay Haayada Wadooyinka Somaliland . Xirsi cali X.Xasan xilligaas wuxuu muujiyey karti iyo firficooni siyaasadeed oo aan laga filayn shaqsi siyaasada ku cusub,  Xirsi waxaa lagu doodi karaa inuu yahay hogaamiye soo joogsi leh (charismatic leader) la yimid howlkarnimo (competence), codkar dadweynaha u gudbin kara fikirkiisa siyaasadeed, isla markaana aan ku shaqayn ajande beeleed.

Waxuu la yimi markiiba , aragti siyaayadeed (vision) oo dal sida Somaliland u burburay lagu dhisi-karo., arinta ugu muhiimsan ayaa ah in Xirsi Cali X.Xasan u muuqdo inuu dareensan yahay in dalka Somaliland uusan sinaba u maamuli karin hogaamiye beeshiisa oo kaliya taageero ka haysta, balse siyaasiga doonaya inuu dalka hogaamiyaa u baahan yahay inuu taageero ka helo dhamaan ( ugu yaraan inta badan ) beelaha Somaliland iyo qaybaha iyo gobolada kala gedisan ee dalka -waa talo ka maqan hogaamiyayaasha siyaasada sida waalidda ugu ordaaya sidii talada  ay u hayn-lahayeen, iyadoo ay qabyalad xoog badan ku ladhan-tahay .

Qasab maaha inuusan  Xirsi Cali X.Xasan aqoon qabyaalada oo ah , habdhaqan Siyaasiyiin Badan  oo Somaliland ah , lafaha kaga jirta , balse waxaa lagu doodi karaa inuu danta siyaasadeed ka hormariyo midda qabiilka taasoo ah arin aysan siyaasiyiin badan oo Somaliland ahi ku dhiiran. ugu yaraan qabyaaladu wax ku qufalan ma aha (dogma).

Dhinaca kale Xirsi wuxuu u muuqda siyaasi fikir strategiyadeed leh (strategic thinking) oo garan-kara inaan Somaliland  koox gaar ah ama beel gaar ahi sinaba xoog ugu muquunin karin, isla markaasna fahamsan isu dheelitirka awooda (balance of power) ee  S/land, arintaas oo ku riixaysa inuu xiriir wanaagsan la yeesho , isagoo kaashanaaya saxiibaddii isbahaysida ee dhianaca siyaasada qaybaha kala duwan ee shacabka Somaliland, oo ah awoodda keliya ee ka jirta S/land hadda (Somaliland powers).

Haddii Xirsi Cali X.Xasan aysan ku dhici doonin Isbedel fikir oo qoto dheer, sooyaalkiisa siyaasadeed wuxuu ina tusaya inuu yahay hogaamiye jebin kara gidaarka siyaasada qabyaaladaysan ee qaar ka midda siyaasiyiinta Somaliland. waxaana markhaati fur u ah arimaha soo socda:: 1. wuxuu si aan laablaabsho lahayn u fuliyey siyaasadii iyo qorshihii Horumarka iyo Waxqabadka Xisbul xaakimka Kulmiye ay dawlad ka  ahayd,  isagoo garwadeen ka hawlahaasi dhamaantood.

2. Arin kale oo Xirsi CaliX.Xasan ku riixaysa inuu siyaasadiisa ka fogeeyo mid beelaysan ayaa ah,  inuu taageero badan kaga helo dadweynaha S/land, aragtiyadoodana dhegaysto iyo inuu siyaasadiisa dalka oo dhan taageero uga raadiyo si uu isugu dheeli-tiro.( waa strategiyad ay adeegsan jireen siyaasiyiintii Somaliland ugu horeeyey) .

Muddadii uu xilka hayey Xirsi Cali X.Xasan wuxuu ahaa wasiir  awood badan , isagoo magaciisa ayaa meel-fog gaadhay , isagoo noqday mudada yar siyaasi caan ah, oo weliba uu ka hoos shaqaynayey madaxweyne awood badan (strongman) Md Axmed Siilaanyo oo markii dambe uu isagu iskii uu iska casiley.

Waxaa lagu doodi karaa , go’aankii Xirsi  xilka kaga tegay wuxuu ahaa mid ka mid ah go’aamadii saameynta badan ku yeeshay ama  ugu xumaa taariikhiisa siyasaadeed  ee Xisbul Xaakimka , iyadoo ay ka baxday marwaxaddii hawsha waxqabadka hormoodka ka ahayd ,  marka la eego wasiiradda hawshiisii loo qaybiyey ama laysku kabay iyo xulashii xubnihii bedelay , wasaaraddii madaxtooyadda hawlihii ay qaban-jirtay loo-kala qaybiyey dhowr wasaradood , sabab looga dhigi karo , inuu Xirsi ahaa shaqsi karti iyo awood badan ku leh siyaasada S/land , waxaana xusid mudan in qaar badan oo ka mid ah la taliyayaashi gaarka ahaa ee Madaxweyne Siilaanyo (inner circle) ay qireen inaan kaalintii Wasiirkii hore ee Madaxtooyada  xilka iska tegay aan weli la hayn ciddii buuxin lahayd.

Ugu dambayntii, Soomaalidu waxay ku maahmaadaa fuley xantiisa ma mooga, Haddii  Isbaahaysiga Kulmiye ka maqanyahay Xisbiga Kulmiye oo ahaa awoodii uu ku guuleystay Madaxweyne Siilaanyo, waynnu eegi doonnaa  sida isbahaysiga awooddooda oo midaysan ama aan ku jirin xisbiga Kulmiye u saamayso xulashada hoggaamiyaha mustaqbalka ee 2017.

W.Q : Daahir Jama Cigaal

Burco/S/landxirsi iyo xabiib (1)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here