Dhaqaale-Laaan-Soo-Food-saartay-Hoggaanka-Xisbiga-Kulmiye-iyo-Xukuumadda-oo-Ka-Xidhatay-Qasnadaha-Ex-wasiir-Maxamed-Cabdilahii-oo-uu-Yabooh-Tagay-Dalka-Ingiriiska-Maxamed-Kaahin-oo-ka-Daba-tagi-doona-iyo-Muuse-oo-Isna-Jabuuti-Afka-Saari-doona

0
710

Hargeysa(Qoryaalenews)xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inay dhabarka uu jeedisay oo ay ka xidhatay albaabada dhaqaalaha hoggaanka Xisbiga tallada haya ee Kulmiye, Arrintaasoo sida la sheegay ka danbeysay khilaaf soo kala dhex galay xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye. Waxana muddooyinka danbe isaa-soo taraayey ismaan-dhaafka labadan dhinac oo dhowaan isku araagti ka taagna caleemo saarka Musharraxa Xisbiga Kulmiye oo ay ku mideysnaayeen.

Waxa kaloo, khilaafkan ayaa la weriyey inuu sabaabay dhaqaale la’aan, iyadoo la sheegay inay xidhmeen qaar kamid ah xafiisyada uu xisbigu ku lahaa magaalooyinka iyo degmooyinka dalka, iyadoo lagu soo waraamaayo inay hadda xidhan yihiin dhawr xafiis oo ku yaala Caasimadda gaar ahaanna xaafadda Axmed Dhagax ee degmada Maxamuud Haybe.

Geesta kale, Masuuliyiinta Xisbiga ayaa wada qorsheyaal ay kaga gil-gilanayaan arrinta dhaqaale xummo, waxana Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye uu tallo la qaatay qaar kamid ah Hoggaanka iyo masuuliyiin ehel ahaan ay xigto yihiin, tallooyinkaas ayaa la sheegay inay ka dhasheen go’aan ay dhaqaale ku baadi goobayaan, waxana durba safar dibada ah oo uu jaaliyadda dhaqaale kaga dalbanayo uu baxay wasiirkii hore ee arrimaha dibda Dr Mohamed Cabdilahi Cumar oo hadda gaadhay shalay dalka Ingiriiska.

Sidoo kale, waxa la sheegay inuu dhamaadka Bishan uu safar isna kaga dabatagi doono Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye, isla markana ah dhaxal suggaha Musharaxa Muuse daabadii dalka Ingiriiska.

Sidoo kale, waxa la sheegay inuu dhamaadka Bishan uu safar isna kaga dabatagi doono Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye, isla markana ah dhaxal suggaha Musharaxa Muuse daabadii dalka Ingiriiska. Waxa kale, oo la sheegay inuu Gudoomiyaha Xisbiga Laftiisu uu isna u bixi doono dalka Jabuuti

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here