Dawladda-Somaliland-Ee-Axmed-Siilanyo-Waa-Dawladayadi-aanu-Dooranay-Tacabka-Badana-Gelinay-cidna-nagu-Diri-Mayso-Kuwa-Xirsi-Is-Yidhi-Ka-Aargioostana-Waxaan-Leeyahay-Waa-La-Doogiye-Yaan-La-Dacaroon-Xildhibaan-Mubarig-Bidhi

0
548

xildhibaan bidhi

Waxaanu Qoraal Kooban Oo ku baahiyay booga facebooka ku leyahay.
u Dhignaa Sida Tan

“ Waxaan soo dhawaynayaa shirkii qiimaha badna Ee Belweynta Yoonis Adaraxmaan ugu soo xidhmay magaalo madaxda gobolka Serar Ee Caynaba oo an odhan Karo intaan shir dhaqan oo Reer Qabsanaayay joogay waa kii ugu wanaagsana sida loo agaasimay iyo tayada shirka oo aad u sareeyay dhiinac walba. Qodobadi shirka ka soo baxay oo dhamaantood ahaa dhaxalgal. Waxaan U Ducaynaya .waanan hanbalyaynayaa shirka iyo Suldaanka Guud Ee Haberjeclo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali ilaahay cimrigisa haa raajiye iyo Caafimad taama haa siiyo Amiin.

Suldaan Cabdilaahi oo marti sharafta isagu soo casuumayay ayaa Xirsi cali X Xasan ku casumay shirka .Waftigi Xirsi la socotay ayan ka mid ahaa Kantaroolka ayaa 3 gadhi oo polisa ayaa la dhiigay.waxaa markiba nala hadlay mid ka mida askarta oo noo sheegay in ay haystan Amar uu Bixiyay Badhasabka Serar oo ah Inan Xirsi iyo waftiida la socda soo gelin Magaalada Caynaba oo Shirku ka socday .ka dib waxaa isna noo yimi Taliyaha Poliska Gobolka Serar oo isna Wasirki Hore Madaxtooyadda Xirsi Cali uu sheegay inu amar ka haysto Badhasabka Serar inan isaga iyo waftiigisi soo gelin Caynaba iyo Shirka.
Suldaanka ayaa ogaaday markiba Suldanki guud habar jeclo Suldan Cabdilaahi alla ha sharfe waa ka xanaqay arinta .shirkina waa diday in la furo .isago soo baxi lahaa ayaa xirsi oo si wada jira laba masul wasirka arimaha gudaha iyo suldanki yidhaahden lama joojin karo.amar lagu siyay inad soo daysan ayaa Xirsi uu sheegay taliyihi inaad socon kartan oo laydin fasaxay.
Xirsi ayaa galay shirka waxaana kadinka gudaha iskaga hor yimaaden Suldaanka oo Cadhaysan marku Xirsi arkay ayuu farxay oo yidhi shirka inoo Fura .
Shirki sidi ayuu ku furmay .xirsi Cali Xasan waaxu ahaa qofka sadexaad ka hadla Shirki dadkii martiida ahaa. ,Suldaan Cabdilaahi ayaa shirka xidhay raali gelin iyo xaal Qabil ayuu siyay Xirsi Cali ishortagi kantaroolka lagu hor istaagay ..
Wasirka Wasradda Arimaha Gudaha oo ah masulka ugu sareeya Amniga Qaranka ayaa door masul oo wanaagsan ka qatay .isaga laftisu marki goobta kantaroolka annago tagan lala hadlay waa yabay .mana ahaa masulka bixiyay amarka .intasi waa inti an goob jooga ka ahaa ,

Dawladda Somaliland Axmed Silanyo waa dawladayadi anu dooranay tacabka badan gelinay cidna nagu diri mayso.tageeradi anu hore ugu haynay weli waa uu hayna ..cida Xirsi siyaasada isku hayan oo ah kuwa islaha ku argoosta balse dawladi anu dooranay islahaa kaga argoosta . waxanan lenahay. waa la dogiye yan la dacaron, kubadi waa weli” ayuu qoralkaasi ku Yidhi Xildhiban Mubarig Yuusuf Cilmi Bidhi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here