Soo Dhawayntii Muuse Bixii+ Ciidamada Usoo Dhoobay Magalada Burco iyo Xafiiska Xisbiga Wadani Oo Cidamado Isna La Geeyey

0
572

Soo Dhawayntii Muuse Bixii+ Ciidamada Usoo Dhoobay Magalada Burco iyo Xafiiska Xisbiga Wadani Oo Cidamado Isna La Geeyeywadani office

Burco (QYN) Magalada Burco ayaa waxaa laga Dareemayey Ilaa habeenimadii xalay, Baabuur tiro badan oo lagu soo daayey suuq weynaha magalada burco, iyadoo ujeedkoodu ahaa inay abaabulaan bulshda ku dhaqan gobolka togdheer, si ay usoo dhaweyaan, Gudomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee kulmiye Muuse Bixi.

Hase ahaate iyadoo ay arimahaasi la yaabanayeen bulshda ku dhaqan gobolka togdheer baafinta, tilmaamaysa in ay ka muquranayaan inanay ku dhicin soo dhawayn la’aan.
Aan Kasoo Gudbo, arinkaas oo bulshadu isweydinaysay,
Aan u galo, manta iyo dareenka bulshada ee ku waajahan soo dhawaynta waftiga la socda Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye.
Waxaa ugu layaabka badna Maanta waxaa ka mid ah.
In ciidan Ka Kooban Laba Askari Oo Koofiyad Casa La Keenay Xafiiska Xisbiga Mucaradka ah ee wadani mudo ka dibna waxaa la keenay Ciidan xoogan . Oo Tiradoodu Gaadhayso Ila 10 Askari Oo Koofiyad Casa.

Hadaan wax idinka xasuusiyo Wakhtiyadii Lagu Soo Dhaweyey Madaxweyne Riyaale Magalada Burco, Isagoo asal ahaan kazoo jeeda Magalada Boorama, Ayaa Isagu Dhex Lugayey Isagoo Madaxweyne ah, Dadkii Soo Dhaweyey,
Sidoo Kale Madaxweyne Axmed Maxamed maxamd Silaanyo, ayaa isagu intii u lagu soo dhaweyn jiray Magalda Burco Aan Weli Lagu Arag isagoo wata Koofiyad Cas Tiro Badan Oo Meel Kasta Taagan.

Hadaba Suaasha Taagan ayaa iyadu ah In U Muuse Bixi Yahay Mid Ka Awood weyn Madaxweynayaashaas Iyagu Aan Lagu Arag ciidan intaas le’eg oo khalkhal galin ku sameeyey Bulshada Masaakiinta ah ee iyagu aan uba jeedin soo dhaweynaha iyo arimaha siyaasiga ah ee dalka.

Isku Soo Wada Duuboo, Muuse Bixi Ayaa, Waxaa Ka Muuqda, Xidh xidhinaan Dheeraad ah oo, Sababtay in U Dhaqankiisa Siyasadeed U Noqdo Ciidan, iyo Baqdin, aanay siyaasiyiinta kale lahayn.

Maxamed Siciid Gaaxnuug's photo.
Maxamed Siciid Gaaxnuug's photo.
Maxamed Siciid Gaaxnuug's photo.
Maxamed Siciid Gaaxnuug's photo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here