Dagaallo U Dhexeeyay Xuuthiyiinta Iyo Ciidanka Dowladda Yemen Oo Ka Dhacay Dulleedka Sanca.

0
524

Dagaallo culus ayaa labadii casho ee lasoo dhaafay ku dhexmarayay duleedka magaalada Sanca ee dalka Yemen xoogagga Xuuthiyiinta Dalka Yemen iyo ciidamada taageersan xukuumadda waddankaas ka jirta, Waxaana dagaalladaan la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 30-qof oo u badan dhinacyada dagaalamaya.

 

Saraakiil ka tirsan Xukuumadda Yemen iyo Xoogagga Xuutiyiinta ee Mucaaradka ah ayaa sheegay inay Dagaalladan ka dhaceen deegaan u jira Sanca 40-mail, ayna labada dhinac ka dhinteen 25-qof, sidoo kalena ay ku dhinteen shan qof oo shacab ah.

Colaada ka socda wadanka Yemen ayaa waxay billowday sanadkii 2014-kii, kaddib markii ay dagaal-yahannada Xuuthiyiinta ay Dowladda Cabdul-rabbu Haddi Manshuur inta badan magaalooyinka ka qabsadeen, kuwaasoo ay ku jirtay Caasimadda Sanca.

Isbahaysiga uu Hoggaaminayo Sucuudiga oo Gacan-siinaya Ciidamada Dowladda Yemen ayaa billaabay Ololayaal Dagaal oo ka dhan ah Mucaaradka Xuuthiyiinta Bishii Maarso ee Sannadkii hore ee 2015-kii.

Warbixinnada ayaa sheegaya in Dagaallada ka socda Yemen Tan iyo markii ay billowdeen ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 5,800 oo qof; iyadoo QM ay iyaduna sheegtay in 80% ay Shacab Yemen ay u baahan yihiin Gar-gaar bani’aadamnimo oo deg-deg ah.

Dhanka kale, Magaalada Dekedda leh ee Cadan ayaa la sheegay in xalay uu ku dhexmaray dagaal ciidamada Xukuumadda Yemen iyo xoogag taabacsan Al-Qaacida, Dagaalladaas oo carqaladeeyay amniga iyo isku socodka magaalada Cadan.

Magaalada Ticis oo Xuuthiyiintu ay ku jiraan oo lagu hareereysan yahay ayaa iyadana lagu garaacay maaafiic, kuwaasoo dilay Saddex qof oo shacab ah, isla markaana dhaawacay 14-qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalka Yemen.

Ugu dambeyntii, Dagaallada ka socda dulleedka Magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen ayaa sii socda maanta oo Arbaco ah; iyadoo la sheegay in Dagaalku uu yahay mid Culus oo aan waxba laga ogaan karin khasaarihiisa dhabta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here