Ganacsato Iyo Saladiin Siweyn U Soo Hadal Qaaday Doorkii Ex Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan Ku Lahaa Dibudhiska Iskuulka Caanka Ee Cadaadlay.

0
987

(QYN-Hargaysa) Munaasibad ballaadhan oo kulmisay Wasiiro gaadhaaya sideed oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo, Taliyaha Ciidamadda Qaranka iyo Sarakiil kale, Saladiin, Ganacsato, Aqoonyahano iyo dadweyne tirobadan ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Cadaadley. Munaasibadan oo u jeedadeedu ahayd sidii dubudhis loogu samayn lahaa Iskuulkii Boodhanka ahaa ee Cadaadlay oo caan ka ahaa gayiga Somaliland sanadihii lixdameeyadii. Munaasibadaas waxaa siweyn loogu xusay doorka Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaji Xasan oo isagu ahaa shakhsigii bilaabay fekerka dibudhiska Iskuulkaas.

Xubno ganacsato ah iyo Saladiin ka hadashay xafladaas ayaa xusay qaybtii uu Xirsi Cali Xaji Xasan ku lahaa fekerka dhismaha Iskuulkaas. Suldaan Maxamuud, Ganacsade Maxamed Shukri iyo Ganacsade Maxamed Baarjeex ayaa si isku mid ah uga hadlay dadaalkii iyo bar bilawgii uu Ex. Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan ku ibafuray in dib loo dhiso Iskuulka Cadaadlay.

Ganacsade Maxamed Baarjeex, ayaa sheegay inuu Xirsi Cali Xaji Xasan isugu yeedhay haldoorka degaanka, isla markaana uu shir u qabtay una qaybiyay inay bixiyaan qaadhankii ugu horeeyay ee Iskuulka loo uruuriyo, isagoo isaguna ka qayb qaatay qaadhanka wakhtigaas, taas oo bilaw u noqotay dibudhiska Iskuulka Cadaadlay ee maanta loo xafladeynaayo in la dhamaystiro.

Munaasibadan loo qabtay Iskuulka ayaa guul wanaagsan laga gaadhay, kadib markii Taliyaha Ciidamada Qaranka Sareeye gaas Ismaciil Shaqale ku yaboohay dhismaha Gaydhka xayndaabka u noqon doona Iskuulka oo ay ku baxayso 50,000$. Konton Kun oo Dollar, taas oo uu Bixinaayo Taliyaha Ciidamadda Qaranku oo kamid ahaa ardaydii wax ku baratay Iskuulkaas.
Sidoo kale Madaxtooyadda Somaliland oo uu wakiil ka ahaa Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ballanqaaday bixinta 50,000$

wasir xirsi cali

Qoryaalenews/Hargaysa/Office
Qoryaalenewsc@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here