Wasiirka Hawlaha Guud Oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabiley Ergayga African Development Bank.

0
595
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Ergayga African Development Bank uqaabilsan dhinaca Infrictraucture-ka oo lagu magaacabo “Mecheal”

Kulankan ayaa la is kula soo qaadey Mashriicdda horumarinta Wadooyinka Somaliland oo la filayo inay Somaliland ka bilawdaan 2017. Kulankan ayaa ahaa mid hordhac ah oo lagu sii diyaarinayey tiradda Mashaariic ee laga hirgalin doono Dalka ee dhinaca Infrictraucture-ka ee ay iska kaashan doonaan Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta iyo African Development Bank.

Sidoo kale waxa la isku soo qaadey inay African Development Bank gacan weyn uga geysan lahaayeen Wadada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco taas oo ah Mashruuca ugu weyn ee maanta Dalka ka socda ee ay wado Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Mashaariicadda uu African Development Bank uu gacanta ka geysan doono ayey ka mid tahay dayactirka iyo dibudhiska Wadada iskuxidha dhammaan Goboladda Somaliland taas oo dayactir weyn lagu sameyn doono.

Mudadii kulankani socday ee dhexmarayey Wasiirka Hawlaha Guud iyo Ergaygan ka socday African Development Bank ayaa la isku soo qaadey mashaariic tiro baddan oo laga hirgalin doono sannadka 2017-ka ee bangigani ka taageeri doono Somaliland.

Gabo-gabdii waxa laga wada hadlayo sidii ay isku kaashan lahaayeen Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland iyo African Development Bank iyo qaabkii ay wado shaqeyn dhaw lahaan lahaayeen, kulanka looga sii dabqaadi lahaa kulanada danbe ee lagu hirgalin doono mashaariicdaas.

C/raxmaan C/laahi Wirdaani
Afhayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here