“Meelaha Dhaqanku Ku Adkaa Ee Afka Soomaaliga Xoojin Jiray Waxaa Ugu Weynaa Miyigeena Maantana…Wasiirka Hawlaha Guud

0
590

(QYN)Madashan oo aad loo soo buuxdhaafiyey ayaa waxa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Cali Xasan Maxamed, Wasiirka Waxbarashadda C/laahi Dheere, Qoraayadda dalka qaarkood kana mid ahaayeen, C/raxmaan Guribarwaaqo, Boobe Yuusuf Ducaale, Gudoomiyaha Ururka Qorayaasha Somaliland Axmed Ibraahim Cawaale, Gudoomiyaha Xarunta Akhriska iyo Qoraalka ee Maxamed Mooge Hoodo Ayaan Suldaan Aadan iyo martisharaf baddan oo Hoolkii kulanka lagu qabanayey soo buuxdhaafiyey.

“Ugu horeyn waxa kulanka furey Gudoomiyaha Ururkan Axmed Ibrahim Cawaale oo ka sheekeeyey maalinta 22February oo caalamku u asteeyey in qolo kastaa xusta afkooda, isagoo si mugweyn uga sheekeyey qaabkii iyo dhiib loo soo marey in la qoro Af Soomaaliga, dhinaca kale wuxuu Gudoomiyuhu ka waramay da’daalka ay ugu jiraan soo nooleynta Afkeenii hodianka ahaa oo lagu tirinayo wakhtiyaddan danbe inuu dabar go’ayo

Waxa iyaduna dhinaceega ka hadashay Hoodo Ayaan Suldaan Aadan oo ah Gudoomiyaha Xarunta Dhaqanka Qoraalka iyo Akhriska ee Maxamed Mooge. Oo dhankeeda tibaaxday si lama huraanka utahay in Ilmuhu markuu yaryahay la baro afkiisa iyo ka Xarun ahaan qaabka ay uqga qeyb qaataan da’daalada loogu jiro soo nooleynta Afkeena, iyadoo ka digtay dugsiyadda dalkeena ku yaal ee manaahinta kala duwan lagu dhigto iyadoo ku sheegtay in dugsiyadaasi aanay habo yaraatee soo saarey Ilmaha Somaliland ubaahantahay.

Iyaguna Dhinacooga waxa hadalka iska daba maray Qoraa C/raxmaan Guribarwaaqo iyo Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo si weyn uga digay in afkeenu dabar go’o, iyagoo caro baabay Meheradaha afka qalaad logu dhigayo iyo qaabka bulshadeenu uga faanto afkooda hodanka ah. Waxaanay sheegeen in Afku kaliyaata ahey wax lagu hadlo laakiin ku tilmaamay waxaynu ka Umadd ku nahay tilmaana inoo yahay.

“Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed ayaa isna madasha hadalo ka jeediyey isago dhankiisa cabiray siday barigii hore ahayd iyo hadda sidii afku ku dhex yahay Bulshadeena. Wasiirku wuxuu dhankiisa ka digay in haddi aynu sidan kusii socono in dad ahaan iyo Ummad ahaanba burburi doono. Wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay.

“Sharaf weyn ayey iitahay inaan caawa kasoo qeyb kulankan lagu xusyo maalinta afkeena Hooyo 22February, waxaan umahanaqayaa Ururka Qorayaasha ee caawa iskugu keen keenay madashan, waxaan sidoo kale umahadcelinayaa intiina kasoo qeb gashay”

“Waan jecelahay Goobaha lagu xusayo Afkeena iyo sugaanta. Kamana maqnaado oo waan imaadaa inta aan jaanis u hayo, afkeena haddii aan la qaban oon la badbaadin dhab ahaan meesha wuu ka baxayaa, afka Somaligu waakan kaliyaata ee ay ku dhex milmeen afafkale, haddii aynu sidan ku soconana ha u malaynina in afka kaligii dhimanayo ogaado inaguna waynu la dhiman”

“Barrigii hore fasaxa miyiga ayaa la tagi jirey. Oo adigoo magacaan xoolo iyo noole soo bartay ayaad soo noqon jirtay. Maanta tii ma jirto taasi waxay kamid ahayd meelaha nooleyn jirtay Afkeena Hooyo. Qeyb libaax ayaan ka qaadanaynaa koritaanka afka hooyo, Dawlad ahaana xil weyn ayaa naga saaran inkastoo oo uu joogo Wasiirkii Waxbarashadu”

Wasiirka Waxbarashadda C/laahi Dheere ayaa isagu soo afmeeray madasha wuxuuna sheegay ka Dawladda ahaan in si weyn uga go’antahay soo nooleynta Afka Hooyo, wuxuuna sheegay in sida ugu dhakhsaha baddan hirgalin doonaan Akademiyadi Fanka ee Madaxweynuhu hore usameeyey, wuxuuna sheegay in sannadkaa kiisa kale ay Akademiyadu qaban doonto Xafladda xusitaanka Afka Hooyo.

Maasha ayaa sidoo kale lagusoo bandhigay casharo la xidhiidha far Somaliga, iyo Hal-abuuro dhankooda maansooyin ku cabiraya heerka afkeena Hooyo.

C/raxmaan C/laahi Wirdaani
Afhayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud
ALLA MAHAD LEH.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here