Duuliyaha Gaarka Ah Ee Madaxwayne Ku-xigeenka Kenya Oo La Amray In La Soo Xidho Iyo Sababta Dhalisay Arrintaas.

0
432

Taliska booliiska dalka Kenya ayaa amar ku bixiyay in lasoo xiro baaritaana lagu sameeyo duuliye ka xeenayay Diyaarad Helicopter ah uu ku safray Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Ruto.

Taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Kenya Joseph Boinett , ayaa amar ku bixiyay in lasoo xiro Duuliye kaxeenayay diyaarad Helicobter ah uu ku safray Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya xili uu kusii jeeday magaalada Ndunyu Njeru ee dalka Kenya.

Afhayeen u hadlay Madaxweyne ku-xigeenka Dalka Kenya oo lagu magacaabo David Mugonyi , ayaa sheegay in ay jirto dhacdo dhax martay Duuliyihii diyaarad qaas ah uu ku safrayay Madaxweyne kuxigeenka Kenya iyo haweeney katirsan booliiska Kenya.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahiyay Muuqaal ku saabsan Duuliyaha diyaarada oo u gacan qaadaya haweeney asakriyad ah oo taagneed goob ay diyaaradaasi kusoo degtay , waxaana la arkayay Duuliyaha oo cadaan ah oo haweeedaasi u gacan qaadaya sidoo kale kala tuuraya.

William Ruto, ayaa ka dalbaday booliiska in ay baaraan isku dhaca Duuliyaha kaxeenayay Diyaarada uu saarnaa iyo askariyada katirsan booliiska, mana faah faahin waxa ay aheed dhacdada isku dhaca ah ee dhax martay Duuliyaha iyo askariyada.

Ciidamada booliiska ayaa qorsheenaya in ay soo xireen Duuliyaha waday Diyaarada uu saarnaa Madaxweyne kuxigeeka, waxaana socda baaritaano ku aadan sababta keentay isku dhaca Duuliyaha iyo haweeneyda katirsan ciidanka Booliiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here