“Hadalkii Madaxweynaha Ayaynu Qaadanay Oo Gudddi Qaran Buu U Magacaabay In La Is Caawiyo, Waxaanu Si Gaar Ugu Mahadnaqaynaa Wasiirka Maaliyada Marwo SamSam Cabdi Adan”

0
492

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha deegaanka Burco, ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan ku bogaadiyay qaabkii ay uga hawl-galeen u gargaarida dadka ay Abaaruhu saameeyeen, waxaanu sheegay in Wasiir Samsam ay xil iska saartay caawinta bulshadaasi ay Abaaruhu ku habsadeen.

“Gobolada galbeedka ayay Abaartu aad ugu sii badnayd, waxaad la socoteen in Gobol ahaan iyo Degmo ahaanba aanu isla qaadanay in 100 Gaadhi oo Cawus aha oo inti Gadhi anu Diyaarinay anu ku wareejinay .Xamse oo ah Nin nagu qaali ah oo loo magacaabay Badhasaabka gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi.Xafladi Sagootinka ahayd ayaa Badhasabka Togdheer Maxamed Ibraahin kaga dhawaaqay .ilaahayna waa inoo fuduudeyay . Waxaanu u mahadnaqaynaa Shirkadihii Lacagta bixiyay ee hawshan suurto geliyay oo ay ka mid ahaayeen Shirkadda Telesom, Shirkada Heecko, Maamulka Madaarka Burco, Salaama Banka, guddida Bacadlayaasha iyo in alaale iyo intii Lacagta bixisay.” ayuu yidhi Xildhibaan Mubaarig Bidhi

Xildhibaan Mubaarig Bidhi oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Hadalkii Madaxweynaha ayaynu qaadanay oo codsigiisii baynu fulinay, guddi qaran buu u magacaabay in la is caawiyo, Culimadeena oo marba meel bay baahi ka jirtaa markaa mar haddii aynu qaadanay, waxaanu u mahad naqaynaa Madaxweynaha qaranka Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo markuu arkay abaaraha jira u magacaabay guddi qaran.” ayuu yidhi Xildhibaan Bidhi
Waxaanu intaas ku daray ” Waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqaynaa Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo runtii ka dhex muuqatay guddidaa, oo xil gaar ah kii Madaxweynuhu saaray maahee mid gaar ah isa saartay.”

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf(Bidhi)thumb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here