Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Laba Bas Ku Wareejisay Jaamacada Sanaag University.

0
490

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancadde Ayaa Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejiyey Laba Gaadhi Oo Nooca Basaska Sodonlaha Ah Maayirka Magaalada Ceerigaabo Iyo Guddoomiyaha Jaamacada SANAAG UNIVERSITY.


Labadan Bas Ee Uu MaAnta Wasiirku Ku Wareejiyey Maayirka Magaalada Ceerigaabo Iyo Guddoomiyaha Jaamacada Sanaag University Ayaa Ahaa Kuwo Hore Uu Wasiirka Iyo Wafti Balaadhan Oo Socdaal Shaqo Ku Tagay Gobolka Sanaag Ay Ka Codsadeen Ardayda Iyo Maamulka Jaamacada Sanaad.
Waxaana labadan bas loogu tallo galay Jaamacada Sanaag Kuwaasi oo Qaadi Doona Ardayda jaamacadaasi.
Wasiirka Oo Ka Halay Wareejinta Labadan Bas Ayaa Sheegay In Ilaahay Ku Asturay Balnqaadkii Ay U Qaadeen Maamulka Iyo Ardayda Jaamacada Sanaad University Waxaana Hadaladiisii Kamid Ahaa “Labadan Baabuur Oo Ku Yimi Dedaalka Dawlada Iyo Waxqabadkeeda Oo Uu U Horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Waxaa Xusid Mudan In Safar Dhawaan Aanu Ku Tagnay Maalada Ceerigaabo Ay Ardayda Jaamacadu Naga Codsadeen Iyadoo Jaamacadu Ay Ka Fogtahay Magaalada Hablo Aad U Badanina Ay Dhigtaan In Dhib Badani Ay Ka Iman Karto Habeenkii Marka Ay Lugaynayaan Iyagoo Maamulkoodu Garab Taagan Yahay Waxa Ay Naga Codsadeed Basas Ay Raacaan Marka Ay Jaamacada Tagayaan Runtii Ilaahaybaa Mahadleh . Waxaan Halkan Mahad Badan Uga Jeedinayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Oo Markii Arintaa Aanu U Sheegnay Si Deg-Dega Nooga Aqbalay”

Dhinaca Kale Waxaa Isaguna Halkaasi Ka Hadlay Maayirka Magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur Waxana Hadaladiisii Kamid Ahaa “ Labadan Bas Ee Aanu Manta Halkan Kula Wareegaynaa Waxa Ay Ka Mid Ahaayeen Codsigii Aanu U Jeedinay Wafti Uu Hogaaminayey Wasiir Cali Maxamed Warrancadde Oo Aan Aad Uugu Mahad Celinayo Oo Noogu Yimi Magaalada Ceerigaabo Anaga Iyo Ardayda Jaamacaduba Oo Runtii Ahaa Waftidii Noogu Wanaagsanayd”
Sidoo Kale Waxa Isaguna Halkaasi Ka Hadlay Guddoomiyaha Jaamacada Sanaag University Oo Ka Mahad Dedaalka Xukuumada Iyo Balanqaadkii Wasiir Cali Maxamed Waran-Cadde

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here