Xukuumadda Madaxweyne Silaanyo Oo Ku Guulaysatay Hirgalinta Jidadkii Dalka, Balse Ku Guul Daraysatay Samaynta Sharciyadii Wado- Marista Oo Xakamayn Lahaa Shilalka Gaadiidka Ee Lagu Gumaadmay.

0
527

Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa ku guulaysatay hirgalinta Wadooyinka halbawlaha u ah waddanka.

Wadooyinka ay Xukuumaddu dhistay oo ay ku jiraan Jidad aan hore uga jiri-jirin dalka,waxaa kamid ah Jidka isku xidha Wajaale iyo Kala-baydh, Jidka isku xidha Boorame iyo Kala-baydh, kaas oo ka dhigay Magaalada Boorame inay hesho Laamigii ugu horeeyay taariikhda intii ay jirtay ee ku xidha dalka intiisa kale.

 

Geesta kale waxay Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed (Silaanyo) hirgalisay dayactirka wadada isku xidha Magaalooyinka Berbera iyo Hargaysa oo meesha ka sii baxaysay markii ay xilka la wareegtay Xukuumadda Madaxweyne Silaanyo sannadkii 2010, Wadadaas oo lagu sameeyay dibudhis dhamaystiran. Halkay tariikhda markii ugu horeysay bilaabeen Jidka ugu dheer dalka ee isku xidha Ceerigaabo iyo Burco, oo hadda dhismihiisu socdo meel wanaagsana marayo.

Balse Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo, waxay ku guul daraysatay abuuritaanka iyo hirgalinta shuruucdii wadooyinkaas lagu mari lahaa, taas oo kala hagi lahayd Gadiidka maraaya, xakamana u noqon lahayn Darawaliinta ku gefa sharciga wado marista, iyadoo aanay adduunka jirin dal wadooyinkiisa si fawdo ah loo isticmaalo. Dhayalsiga Xukuumadu wuu dhaliyay inay Somaliland noqoto dalka ugu khatarta badan xagga ka xaynta gaadiidka, marka la eego Caalamka aynu ku suganahay, sidoo kale Somaliland waa dalka kaliya ee Xildhibaanada labadiisa Gole Baarlamaan, Golaha Wasiirada, Madaxda kala duwan ee Dawladdu ay dhammaantood haysanin Liisanka Gawaadhida lagu kaxeeyo, marka laga reebo tiro aan midhadh ka badnayn. Geesta kale mushaharka hooseeya ee Ciidamadda ilaalinta Wadooyinka ayaa isna sabab u noqday in aanay jirin cabsi iyo haybad ay dadweynahu u hayaan Ciidamadaas, waxayna sababtay baqdin la’aantaasi in aanay dadka badankiisu isku hawlin qaadashada Liisamada iyo barashada aqoonta wado maristu leedahay.

Dhinaca kale Somaliland waa dalka kaliya ee caadi ay ka tahay dhimashada shilalka Gaadiidka ka dhasha, kuwaas oo sannad kasta galaafta nolosha dad boqolaal kor u dhaafaaya. Marka loo eego Waddan aanay colaado ka jirin oo nabadda. Sidoo kale waxaa kamid ah dhibaatooyinka ay keeneen shuruuc la’aanta Wado-maristo, xumaan ku timi akhlaadi Bulshada iyadoo qof kastaa siduu doono ka yeelo marista Wadooyinka Magaalooyinka gudahooda, meeshu doonana istaago xitaa badhtamaha Jidka la maraayo, ma jiro meel loogu tallo galay inay dadku maraan, sidoo kale ma jiro meelo mucayin ah oo Gaadiidka dadweynuhu ku safraan sida Basaska ay istaagaan ama dhinac uga leexdaan badhtamaha Jidka. Dhaliishaas oo ay qayb ku leeyihiin Golayaasha Degaanada Magaalooyinka Caasimadda Hargaysa hawgu darnaate.

Si kastaba ha ahaate, Xukuumadda Somaliland ee hadda xilka haysa waxay ku guul daraysatay guud ahaanba inay xitaa isku daydo abuurista shuruucdii Wadooyinka oo wadata fulinteedi. Mar kasta oo ay dhacaan Shilal lagu haligmo sida Shil naxdin badan oo ka dhacay Maanta Gobolka Gabilay oo ay ku nafwayeen 14- Ruux, waxay Xukuumdda iyo laamaha ammaanku ku maaweeliyaan ummadda hadalo Telefeeshinada ay ka jeediyaan iyo laba gaadhi oo la dhigo laamiyada, marka la ilaawana halkii lagama sii qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here