Dagaal Saaka Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Iyo Ciidamada Maamulka Puntland Ku Dhexmarey Degaanka Dixin Ee Gobolka Sool Iyo Khasaaraha Ka Dhashey.

0
528

Dagaal Saaka Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Iyo Ciidamada Maamulka Puntland Ku Dhexmarey Degaanka Dixin Ee Gobolka Sool Iyo Khasaaraha Ka Dhashey.   Laascanood(qoryaalenews) Dagaal culus ayaa Saaka Hirtii Waabari Ka bilowday duleedka deegaanka Dixin ee gobolka Sool waxana weeraeka soo qaadeen maleeshiyaadka Maamulka Puntland Waxaana Halkaas Ka Dhacay Dagaal Qadhaadh Oo Khasaare Xoogan Dhaliyay   Dagaalka Ayaa Waxaa Isaga Horyimi Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Maleeshiyada Puntland Waxaana Sida Wararku Tilmaamayaan Halkaas Laysku Waydaarsadey Hubka Culculus Waxaana Dagaalkaas Khasaare Xoogan Kaasoo Gaadhey Kuwa Maleeshiyada Puntland  Goob Jooge Kusugan Degaanka Dixin Ee Gobolka Sool Oo QorilugudNews Lasoo Xidhiidhey Ayaa Sheegaya In Ciidamada Qaranka Ay Weerarkaas Iska Caabiyeen Isla Markaana Ay Halaas Kaga Gubeen Laba Gaadhi Oo Kuwa Dagaalka Ah .  Shacabka Degaanka Dixin Ayaa Ciidamada Qaranka Somaliland Ku Taageeray Iska Caabinta Ay Kala Hortageen Maleeshiyada Puntland Ee Halkaas Weerarka Kusoo Qaadey Waxaana Gabi Ahaanba Ciidamada Maamulka Puntland Kasoo Gaadhey Khasaare Xoogan Oo Isugu Jira Naf Iyo Maal  Ninka Ugu Magacaaban Maamulka Puntland Cumar Faraweyne Oo Qaar Ka Mid Ah Warbaahinta Maamulka Puntland Uwaramey Ayaa Ku Doodey In Dhaaman Degaanada Gobolka Sool Ay Ka Mid Yahiin Dhulka Ay Maamusho Maamulka Xasarada Badan Ee Puntland  Xiisada Ayaa Hadda Kacsan Waxaana Wararka QorilugudNews Ka Helayso Degaanka Dixin Ee Gobolka Sool Ay Sheegayaan In Uu Halkaas Gurmad Xoogan Ka Socda Isla Markaana Ay Shacabka Degaanada Gobolka Sool Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Ku Garab Taagan Yihiin Difaaca Dalkooda Iyo Dadkoodaba Dhanka Maamulka Puntland Ayaa Lagu Soo Waramayaa Iney Halkaas Soo Dhoobeen Ciidamo Tiro Badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here