Dagaal Ba’an Oo Saaka La Isku Fara-Saaray Deegaanka Dixin Ee Gobolka Sool, Dagaalkaas Oo Khasaare Laxaad Leh Loogu Geystey Maleeshiyada Maamulka Majeerteeniya Ee Saaka Duulaanka Soo Qaaday

0
713

Israsaasayn xoogan ayaa ka dhacday deegaanka bixin ee degmada buurawadal gobolka sool una dhaxeysay maleeshiyaadka Garowe iyo Ciidamada Somaliland waxaana la maqlayay hubka noocyadiisa kala duwan ee ay iswaydaarsanayeen    Mid ka mid ah dadka deegaanka Buurawadal oo khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa sheegay xaqiijiyay rasaasta maanta dhexmartay ciidanka somaliland iyo maleeshiyaadka garoowe kuwaas oo ay dhex martay dagaal socday mudo saacado ah isla markaana ay ciidamada somaliland kala firdhiyeen ciidamo tiro yar oo doonaayay inay qasaan amaanka deegaanadaas balse ay ka hortageen ciidamada qalabka sida ee somaliland Saraakiisha kala hogaaminaysa ciidamada ciidamada somaliland ayaa ku adkaysanayaa in uusan ka laaban doonin mowqifkiisa isla markaasna uu ay cashar lama ilaawana gaadhsiinayaan maamulka tabarta daran ee ka socday maamulka garoowe   sidoo kale goob joogaha ku sugan deegaanka oo aanu la samaynaya xidhiidh ayaa sheegay in habeenkii xalay ay magaalada soo galeen gaadiid u badan iska rogooyin kuwaas oo ay wateen xubno ka mida ganacsatada u dhalatay puntland oo doonaya inay magaalada ka bilaaban dhismayaal cusub oo u badan guryo ay dhigaan ganacsigoda ciidanka somaliland ayaa waxaa uu gacanta ku soo dhigay 8 gaadhi oo siday agabka lagu bineeyo dhismayaasha guryaha kuwaas oo ay soo rarteen maleeshiyaadka garoowe loona soo dhaadhicin doono maalmaha soo socda gobolka sool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here