“Nabadda Iyo Sharafta Aynu Maanta Ku Noolahay Ragna Way U Soo Halgameen, Ragna Way Dhaxleen Markaa Anigu Maan Halgamine Waan Dhaxlay” Gudoomiye Cirro

0
681

“Nabadda Iyo Sharafta Aynu Maanta Ku Noolahay Ragna Way U Soo Halgameen, Ragna Way Dhaxleen Markaa Anigu Maan Halgamine Waan Dhaxlay” Gudoomiye Cirro

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa si kaftan ah u sheegay inaanu marnaba qayb ka ahay halgankii lagu xoreeyey dalkan ee ay gadhwadeenka ka ahaayeen mujaahidiintii SNM, sidaasna waxa uu ka sheegay mar uu shalay qado sharaf u sameeyey tafiirtii ay dhaleen mujaahidiintii dalkani xoreysay.

ciro

Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in taariikhda jabhad kastaaba ay tahay halgan iyo dhaxal, isagoo taasi ku macneeyey inay dadka qaarna halganka ka qayb qaataan halka badhka soo hadhayna ay dhaxalka halgankaasi ka dhasha ay ku raaxaystaan, isla markaana ay cisi iyo sharaf ku dareemaan.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi: “waxaan isleeyahay quruxdaas aynu ku fadhino iyo nabadaas iyo sharaftaa dadna way u soo halgameen, dadna way ka dhaxleen markaa anigu kolay qoladii ka dhaxashay ayaan ahay. Taariikhda jabhada oo dhami waa sidaas (mid halgama iyo mid ka dhaxla)”.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ilaahay uga baryey mujaahidiintii dalka naftooda u huray inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxaana uu sheegay inay awlaadda mujaahidiintu xasuus ugu filan yihiin shacbiga Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here