Wasiirkii Hore Ee Shaqada Dr Cabdi Aw Daahir Oo Shaqadiisii Dhakhtarnimo Dib Uga Bilaabay Magaalada Burco

0
603

Wasiirkii hore ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada somaliland Dr Cabdi Aw Daahir oo dhawaan iska casilay xilkii wasiirnimo ee xukumada madaxwayne siilaanyo sidoo kalena kamid ahaa garabkii isbahaysiga kulmiye ee iyaguna qaadacay doorashadii ka dhacday xisbiga kulmiye ayaa waxa lasoo weriyay inuu dib uga bilaabay magaalada burco shaqadiisii hore ee ahayd Dhakhtarnimo.

WASIIR-CABDI-AW-DAAHIR
Dr Cabdi Awdaahir ayaa la sheegay inuu isagu dib u fadhiistay shaqadana uu ka bilaabay xaruntii caafimaad ee uu ku lahaa magaalada burco ee la odhan jiray Shaafici Midical Centre, kaasi oo ahaa dhakhtar uu dadka ku dawayn jiray inti aanu xilka qaban xukumadda Somaliland ee uu gaadhwadeenka ka yahay mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo loona magacaabin xilalka wasiirnimo ee uu kasoo qabtay xukumadda.
Waxaana bulshada Somaliland ee ku nool gobolada dalka hal mar kusoo wada dhacay Fariin ay soo direen shirkada isgaadhsiinta Telesom taasi oo ay ku shaacinayso inuu shaqada dib ugabilaabayo Dr Cabdi Aw Daahri Xaruntiisii Hore ee la odhan jiray Shaafici Medical Centre Oo ahayd xarun uu hore ugu dawayn jiray dadka xaalada caafimaad darro soo waajahdo.
Si kastaba ha ahaatee Dr Cabdi Aw Daahir ayaa muddo lix sano ka dib ah go’ansaday inuu dib ugu adeego dadwaynaha reer Burco ee xaaladaha caafimaad ay la soo darsaan, waxaana uu tusaale wanaagsan u noqon karaa masuuliyiinta Somaliland ee inta aanay xilka qabanin doorka muhiimka ah kaga jira bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here