“Ma Jirto Cid Jid Gooyo Igashey”Axmed Yusuf Yaasin Oo Beeniyay Warar Laga Baahiyay Maant

0
8010

“Ma Jirto Cid Jid Gooyo Igashey”Axmed Yusuf Yaasin Oo Beeniyay Warar Laga Baahiyay Maanta.    Madaxdwayne xigeenkii hore ee Somaliland mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo haatan ku sugan magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar been abuur ah oo lagu baahiyey baraha ay ku kulanto Bulshadu wararkaasi oo sheegayay in Axmed yuusuf yaasiin jid.gayn loogu sameeyey deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag,   Madaxwayne kuxigeenkii hore ee Somaliland oo khadka telefenka Ugu Waramayay Qoryaalenews waxa uu u sheegay in aanay jirin wax jid,gayn ah ama dhibaato ah oo loo gaystay isaga waxaanu yidhi  “Ma jirto meel jidgooyo la iigu sameyey shacabkana been ayaa loo sheegayaa hadana Ceerigaabo ayaan joogaa waanan joogayaa dadkuna waa dadkaygii” Ayuu Yidhi Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Sommaliland Oo QorilugudNews Uwaramey  Dhinaca kale isaga oo hadalkiisa Sii wata madaxwayne kuxigeenkii hore ee Somaliland waxa uu fariin u direy shacabka Somaliland isaga ugu baaqay in ay ilaashadaan nabadgalyada kana fogaadaan wax kasta oo khal-khal galin kara wada noolaashaha shacabka walaalaha ah.  “Bulshada Somaliland Waxaan leeyahay aan ilaashano nabad galyada oo halaga fogaado waxyaabaha dhibaatada u hor seedi kara wada noolaashan dadka walaalaha ah”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here