War Deg Deg Ah: Badhasaab Ku-Xigeenkii Gobolka Saaxil Oo Xabsiga Loo Taxaabay.

0
521

War Deg Deg Ah: Badhasaab Ku-Xigeenkii Gobolka Saaxil Oo Xabsiga Loo Taxaabay.
Wali Waxaa Is Sootaraya Arimaha Aanu Ka Helayno Xaalada Gobolka Saaxil Wararkii Ugu Danbeeyay ayaa sheegaaya in xabsiga loo taxaabay Badhasaab ku-xigeenkii gobolka Saaxil oo ahaa isagu shakhsigii shalay la socday Taliyihii Ciidamada Booliska gobolka Saaxil Gaashanle Sare Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) oo xilligii la dilay. Badhasaab ku-xigeenka ayaa mar uu shalay la hadlaayey Warbaahinta waxa uu dhacdada dilka Taliyaha oo uu isagu la socday uga hadlay hab shaki badan dhaliyey, isaga oo sheegay in rasaas badan la huwiyey, halka ay gaadhiga lagu dilay marxuumka ku taalay xabad kaliya.
Geesta kale Taliyaha Booliska Degmada Sheekh oo isna raadka Shirqoolka Taliyaha la dilay soo galay ayaan wali la xidhin. Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolk Saaxil waxaa hadda ku sugan wafti miisaan leh oo uu hoggaaminaayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Mud. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici iyo Wasiiro gaadhaaya 10-Wasiir, sidoo kale is gaadhsiinta Telefoonada ayaa wali ka xidhan guud ahaan Gobolka Saaxil.
Xadhiga Badhasaab ku-xigeen Gobolka Saaxil ayaa noqonaysa talaabadii ugu horeysay ee Xukuumaddu ka qaado falka Dilka Taliyihii Booliska Gobolka Saaxil oo si weyn looga shakiyay hanaanka Dilkiisu u dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here