Diyaarada Caalamiga Ah Ee Turkish Airlines Oo Wada Qorshe Ay Ku Hakinayso Dulimaad Yadeedi Muqdisho

0
667

Warbixin lagu faafiyay boggaga Internetka ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Diyaarada Turkish Airlines ay joojineyso duulimaadyadeeda ay ku iman jirtay xarunta Dalkaasi Soomaaliya ee Muqdisho.

Qoraalkaas oo Saxaafaddu qaada dhigtay, ayaa waxaa la sheegayaa in sababta ugu weyn ee Diyaarada Turkish Airlines u joojinayso Dulimaad keeda ay tahay Qaraxii ka dhacay Diyaarada Daallo.
Shirkada Turkish Airlines ayaa hore uga joojisay muddo 20 cisho duulimaadyadii ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho kadib Qaraxii ka dhex dhacay Daallo Airlines.
Qaraxii ka dhex dhacay Daallo ayaa waxa uu sidoo kale hoos u dhigay kalsoonidii ay qabeen Shirkado badan, oo la filaayay in duulimaadyo ay ka bilaaban Garoonka Aadan Cadde.
Ma jirto warbixin kasoo baxday shirkada oo cadeyneysa in Shirkada Turkish Airlines aysi rasmiya joojin doonto duulimaadkeeda, balse waxay warbixintan saxaafadda la wadaagen Saraakiil ka hawlgasha Shirkada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here