War Deg Deg Ah:Maleeshiyadii Dishay Taliye Casayr Oo Ciidamadda Qaranku Gacanta Ku Dhigeen Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay.

0
376

Sideed xubnood oo kamid ah Maleeshiyadii Jid gooynta ku dishay Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Saaxil, Gaashanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud ( Casayr) ayay goor dhawayd Ciidamadda Qaranka Somaliland oo ku dabo jiray Ay gacanta ku dhigeen.
Markii hawl galka lagu soo qab qabanaayo Maleeshiyada Uu Dhacaayay waxaa fakatay Saddex xuubnood oo kamid ah, kuwaas oo Ciidamaddu ku raadjoogaan oo la filaayo Saacadaha soo socda inay iyagana gacanta ku soo dhigaan.

Talabadan Gacanta loogu dhigay Sideed Xubnood oo kamid ah Maleeshiyadii Qaadicu Dariiqa ahaa ee Dilka u gaystay Taliyihii Booliska ee Gobolka Saaxil, ayaa noqonaysa talaabo muhiimad weyn u leh dajinta Xiisada ka dhalatay Dilka Taliyaha.

Waxaana siweyn ugu ammaanan Ciidamadda kala duwan ee Qaranka iyo Xukuumadda oo culays xoogan saartay falkaas. Madaxda Somaliland ee ku sugan Magaalada Berbera ayaa hadda wada inay saxaafadda la hadlaan oo u bandhigaan Magacyada ay Ciidamaddu qabteen.

Geesta kale Maydka Taliyihii Marxuum Casayr oo aan wali la aasin ayaa la filayaa in siweyn Bari loogu aaso Magaalada Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here