Waa Kuma Sisaasiga Bisili ? Waa Qalinkii Cabdalle Ayaanle Cartan

0
866

Marka Hore Waa Mid Akhlaaq Iyo Aqoon Ahaan Udhisan .
Waa Mid Bulshada Aanay Is Diidin Inteeda Badan, Waa Mid Aan Si Toosa Udiidin Waxa Uu Diidanyahay Lkn Dareen Ku Muujiya Iyo Hadalo Duurxul Ah.
Waa Mid Hadaf Iyo Ujeedo Cad Kaleh Siyaasada, Waa Shakhsi Kalsooni Badan Isku Qaba , Waa Mid Iibinkara Afkaartiisa Dadkana Ku Qancinkara Wax Laabtiisa Ka Guuxaya .
Waa Mid Aanay Dhib Badan Ku Hay Mucaaridada Iyo Aflagaadada Kaga Socota Dadka Kasoo Horjeeda, Intabadana Aan Ujwaabin .
Waa Mid Dadka Ay Kukala Aragtida Yihiin Arimaha Siyaasiga Ah Aan Ku Talax Tagin Markuu Lahadlayo Aflagaado Badan Iyo Xagtimo Badana Aan Ku Samayn .
Waa Mid Aan Hadiyo Jeer Ku Dagdagin Goaan Qadashada Hawlkastoo Ku Timaada Wakhtibuu Siyaaa .
Waa Mid Arimaha Siyaasada Aan Cidwalba Lawadaagin Inay Xogo Iswaydaarsadaan Ama Kawada Sheekaystaan Arimaha Uu Kujiro Ama Waxa Uu Damacsanyahay.
Waa Mid Aanay Muhiim U Ahayn Shilmaadka Lkn Mabaadiida Iyo Hankiisu Ka Awood Badanyahy Aduuno Lugu Baayaco.
Waa Mid Marwalba Aan Ku Shaqayn Ama Ku Goaan Qaadan Rabitaankiisa Ee Hadba Cida Ay Wada Shaqanayaan Kula Noqda Arimaha Ka Horyimaada Talna lawadaaga.
Waa Ka Marka Uu Gacan Sareeyo Aan Aarsan Xagtimo Hore Ugaadhay Iyo Gocasho Soomartay.
Waa Ka Marka Laga Guulaysto Hanbalyeeya Cidii Ka Guulaysata La Shaqeeya Hagarlaan Waliba.
Waa Ka Maalinta Uu Arko Inaanay Malintiisii Ahayn Suuqiisa Iska Gala Ee Aan Marba Gidaar Jiidhin.
Waa Ka Aan Xisaabta Intabdan Ku Darsan Inuu Wax Iska Celiyo Ama Awood Istcmaalo.
Waa Ka Marka Uu Cid Xil Uhayo Aan Ku Talx Tagin Amaanta Cida Xilka Udhiibta Ama Uu La Shaqeeyo Haday Dhacdana Markuu Xilka Katago Amaantiisa Badan Ee Hore Ma Dhacdo Inuu Kadbo Yimaado Oo Uu Masaxo.
Waa Ka Aan Arimaha Qabiilada Ka Dhex Soconyaa Aanay Samayn Ku Yeelan Marwalba.

Cabdalle Ayaanle Cartan
Artan1441@Hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here