Maxamed Biixi Yoonis Oo Shaaca Ka Qaaday In Uu Si Buuxda U Taagersanyahay Wada Hadalada Ay Isbahaysigu La Yeeshen Xisbiyada Mucaaradka Ah

0
463

Wasiirkii hore ee arrimaha debadda kana mid ahaa Saddexdii Murrashax ee qaadacay shirweynihii Xisbiga KULMIYE ee qabsoomay sannadkii hore,

Maxamed Biixi Yoonis ayaa cadeeyay inuu la mawqif yahay saxiibadiisa Siyaasiyiinta Isbahaysiga KULMIYE oo wadahadalo la furay Xisbiga WADDANI.
masuulkan ka tirsan is bahaysiga xisbiga kulmiye ee dhowaan wada hadalada la furay qaar ka mida xisbiyada mucaaradka ah ayaa waxaa uu ka dhawaajiyay in uu talada kala midaysan yahay saaxibadiisa ka cadhooday shirkii golaha dhexe ee sanadkii hore qabsadeen xisbi weynaha kulmiye
masuulkan oo kusugan caaisamada itobiya ee addis abbaba ayaa sheegay in dhowaan dub ugu laabanaayo dalka waxaanu sheegay in uu doonaayo in uu ka qayb galo shirarka isbahaysigu la qaadanayaan xisbiyada siyaasada dalka
waxaanu intaa ku daray in uu si cad uga soo hor jeedo musharaxnimada madaxda xisbiga kulmiye oo uu ku tilmaamay kuwo baal amrsan shuruucda xisbiga kulmiy

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here