Xildhibaano Ka Tirsan Maamulka Xamar Iyo Cali Khaliif Galaydh Oo Ku Heshiiyay Hurinta Colaada Gobolka Sool Iyo Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Ku Ruqaansaday Deegaanka Ceegaag

0
618

Xildhibaano Ka Tirsan Maamulka Xamar Iyo Cali Khaliif Galaydh Oo Ku Heshiiyay Hurinta Colaada Gobolka Sool Iyo Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Ku Ruqaansaday Deegaanka Ceegaag   Xiisad colaadeed ayaa ka aloosan deegaano u dhexeeya Magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle, kaddib markii Ciidan ka tirsan Somaliland ay fadhiisin ka samaysteen deegaanno u dhexeeya Tuulooyinka Ceegaag iyo Horufadhi.   Wararka ayaa sheegaya in xiisaddan kiciyeen Xildhibaanno ka Tirsan dawladda Federaalka Somalia, safar ku tageen Tuullada Ceegaag oo 100-KM waqooyi Galbeed kaga beegan degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.   Cabdikariin Cali Abokor oo ka tirsan Ganacsatada Deegaanka Ceegaag oo u waramay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in ciidammo badani ay soo gaadheen Magaalada, Wuxuuna intaas ku daray inay u dhaafeen dhinaca Hor-u-fadhi, in aanay wax dhib ah gaadhsiin Deegaanka, marka laga reebo cabsi laga qabo inuu dagaal ka dhaco.  Sidoo kale, Dhinaca deegaanka Hor-u-fadhi ayaa wararka ka imaanaya waxay sheegayaan inay soo gaadheen Ciidammo wata gaadiid dagaalka oo Magaalada Buuhoodle yimi, si ay uga hor-tagaan ciidamada Somaliland”Ciidamadani waxay noo dhaafeen dhinaca Deegaanka Ceegaag, waxaana cabsi xooggan laga qabaa in isku dhac dagaal uu ka dhaco, deegaankaasna waxaa xilligaan ay ku sugan kumannaan Qoys oo reer guuraa ah, oo Abaaro ka kiciyeen,”   ayuu yidhi Cali Cabdillaahi oo ka mid ah shacabka ku nool deegaanka Hor-u-fadhi oo Buuhoodle 50-km kaga beegan dhinaca Waqooyi-bari. Dhanka kale, Xildhibaanadda Xiisadani ka billaabatay oo maalmihii la soo dhaafay Safarro ku marayay deegaanno ka tirsan Gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle iyagoo si nabad ah ugu laabtay Magaalada Buuhoodle.  Dhinaca kale, Maamul ku sheega Khaatumo seeg iyo xildhibaano ka tirsan dawladda federaalka Somalia ayaa heshiis ku gaadhay in la mideeyo oo la xoojiyo wadda shaqaynta Khaatumo iyo dawladda Somalia.  Ugu dambeyn, xiisadan ayaa laga cabsi qabaan inay dhibaatooyin gaadhsiiso dad deegaanno badan ay Abaaro ka soo kiciyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here