Isbahaysiga KULMIYE Oo Magacaabay Shan Xubnood Oo Uga Qayb Galaya Wadahadalka U Bilaabmay Xisbiga WADDANI.

0
382

Isbahaysiga KULMIYE Oo Magacaabay Shan Xubnood Oo Uga Qayb Galaya Wadahadalka U Bilaabmay Xisbiga WADDANI.

Siyaasiyiinta ku bahoobay isbahaysiga dimuqraadiyad doonka KULMIYE, ayaa iska dhex xulay shan xubnood oo ah guddi wada hadal rasmi ah la bilaabi doonta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Magacaabista guddigan oo daba socotay wada hadalada furmay ooay Waddani iyo isbahaysigu ku heshiiyeen in dhinac waliba magacaabo guddi ka kooban shan xubnood oo si rasmi ah u bilowda wada hadalka.

Xuseen Axmed Caydiid Shanta xubnood ee ay isbahaysigu ay dhinacooda uga magacaabeen wada hadalada Waddani ayaa kala ah

Faarax Cilmi Geedoole
Cali Cabdi Saa’iq
Cabdirisaaq Khaliif Axmed
Dr. Cabdi Aw Daahir Cali
Shantan xubnood ayaa ka mid ah ragga ugu culus siyaasiyiinta isbahaysiga oo intooda badani ah wasiiradii iska

casilay xukuumadii Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Geesta kale, xisbiga Waddani ayaa isna la filayaa inuu maanta magacaabo shanta xubnood ee geestooda uga qayb galaya wada hadalka siyaasadeed ee bilowga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here