Dheemantii reer galbeedka ceelka kaga dhacday silaanyo Waa Qalinkii Sharmaarke Abdi mohamuud qaloonbi

0
663

(1)Somaliland waxay soo martay maalmo badan iyo marxalado badan oo fulaygu shakiyay

(2)sifaha siyaasiga suuban waxan uu aqaan samirka’ uma aqaan samirka nacasnimo uma aqaan liidnimo waxan U aqaana sifaha siyaasiga suuban

(3)SNM waa wada Lixle!

(4)waxan laabtayda wali ku yaala dhalinyaradii xaq u dirirka ahayd snm ee naftooda iyagoo u hurayaa dalkooda intay baxeen igu soo noqon wayay

(5) odayaal baa la dhaqdhaqajiyay qudcur baa nalagoo fooryay in aanu helnay dorashada waa cadaan waxan see u tanaasulay qaranimadda somaliland iyo umadda

(6)Somaliland xadkeeda iyo sohdinkeeda waay difaacanaysa cidna u daba fadhiisan mayso

(7) Qaranimadda Somaliland waa muqadis waa go’an qaran oo umadi leeday haddii boqol sano aqoonsi la’aan aay gadhaysana tabtaasay ahaanaysa!

(8) Aniga Bixiyay amarka dalka lagu galay aniga saxeexay aniga magista khiyaamay iyo dawladda Ethiopia ba

(9) dadkeenu iyagoo markii horeba war badnaa Ayaa Dimuquraadi lagu iidhi waa tihiin

(10)Qarankani wuu dhaafay goor loo caga jugleeyo goor loo goraya khaakhleeyo iyo goor shaani la tuurtuuro intaba

jaamacad simistar kasta bilaash ah aqoon aan dugoobaynin iyo cajalado aay adagtay in aay gubtaan ayanu ka baranay dhamaanteenba

xaaji cabdikariin xuseen aadan cabdi waraabe waxan ka qorray somaalidu waa xabala amaan kolka uu qofku dhintay amanaan sikastu u ahaa kii kastu ahaa nin aanu Saxiib Ahaanjirnay wuxu iidhi soomalidu qofku marka uu dhinto waay aamanta aniga see soo gabagabeeyay ina adeerkay baa dhintay markii iilka aan ku hubsaday ee dhoqadii uu Hadhsan tahay niman aanu tol nahayna dhooqo qoyan ila dul tagan yihiin baan Ku iidhi saw kaa maha? haa )
saw ina adeerkay maha? haa)
Saw cid uguma xigo cidna iigumu xigin?haa) nacasnimo la dhintay!

Nin kallo reer bari ahna waa kii laha intuu nin dhawr jeer waabiyo dadka bakhaylinta lagu tiriyo ahaa ayaa dhintay isagoo malmaha Intuu waabiyay isagoo kayar cadhaysan Miigii isaga baxay iyo reerkiisii kolkii usoo noqda lagu iidhi ninkii hebel baa dhintay Isna oo goormu go’ay buu qunyar iska iidhi mid baa soo boodayo marka iidhi afar casho ka hor Buu go’ay marxuumku naxariistii jano rabi haka waraabiye faxalsanaya gobsanaya buu kusii daray! isagoo yaaban buu ku iidhi ninka dhintay igu soo celi adeerow’ dee waa hebel maxad iska yeel yelaysa ina hebelow isagoon hadlin kolkas baa mid kale u furayaa inuu gob ahaa geesinimana alle ku manaystay ninkii intuu samadda uu boodo odhanaya war hebel baa wanaagsana iyo deeqsi buu ahaa garanmaaye reer hebalow horta ma maydka ka baqdaan?

Waxan uga socda marka qofku dhinto amaan uun baa lagala dul dhaca waxa kaa lumaysa ku ahaa adigu qudhadu haku danbaabin iska ansixi baa kolkiiba kugu soo dhacaysa waa sababta aan aragtida u aaminsanay intuu qofku noolyay ku yahay hala sheego lagana doodi karo Isna ka doodi karo ee xayga uu yahay

madaxwayne Axmed silaanyo damal baan u aqaana la hadhsado waxan U aqaana shaksiyad dun leh hogaan daahiro lahayn qabyaalad iyo kala qobqob waxan xusuusta isagoo hawlgalkii dalka lagu soo galay ka waramaya inuu sheegay labadii aag marka ciidabadda SNM laysugu geeyay buu si daacad ah u odhanaya qaybna Waxanu isagu gaynay kaba qorray qaybna waxanu isagu gaynay waay ka lumaysa cabaar buu maskaxda ka baadhaya marka danbe buu odhanaya eegi eegi eegi waa halka uu kasoo jeedo madaxwaynu ma jiro ruux soomali ah culimaddana dhaho nin tuuladda uu kasoo jeedo magaceeda liqi kara oo magaalo kalle ka qaybsanan karra ruuxkasta tuulu laabta ku sita madaxwayne silaanyo waa damal cimrigiisa aynu ku nabad iyo caano maalnay waa hogaan aan musuq iyo xatooyo Waligii lagu shanbadayn waa Siyaasi aaynu duruus khayriya ka baranay waa Shakhsiga Saaxiibtinimada iyo hogaanka qaranka inakala baray waan huba inbadan inaynu Xusayno inbadan inaynu maankeena iyo maskaxdeena ku haynayno macalin ingiriisa intuu sidaa uu aagay macalin kale ninkan miyad garanaysa waa dheemantii ceelka ku dhacday!

Sharmaarke Abdi mohamuud qaloonbi
@Qaloonbi yarre – 144.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here