Xirsi Cali Halyay Qaranimada Jecel Oo Waxqabadkiisi Sidii Dayax Shan Iyo Toban Ah Ubidhaamayo

0
958

Badhtamihii Sanadii 2010 Ayaa Madaxweyne Silaanyo Umagacaabey Xilka Wasiirka Aqalka Madaxtooyada Somaliland Waxaana Markiiba Xirsi Cali Xaaji Xasan Uu Utafa-Xaytey Hir Galinta Nimdaam Suban Oo Dalka Somaliland Ka Hanaqaada

Tasoo Durbadiiba Shacabka Somaliland Ay Ku Majerteen Hawlkar Ma Daale Ah Waxaanu Nasiib Uyeeshay Inuu Noqdo Wasiirka Kaliya Ee Loogu Hadal Haynta Badan Yahey Bulshada Dhexdeeda

Ex Wasiir Xirsi waxaa lagu tilmaamaa shaqsi daacad ah go’aan qaadasho leh, hadalka runta ka sheega sidoo kalena hoggaamin fiican, waxaa kale oo lagu tilmaamaa in uu yahay Shaqsi Dadka Jilicsan Gacan Qabta Ilaahey Hibo Usiiyay Kartida

Xirsi Cali Xaaji Sidoo Kale Waa Masuul Ku Suntan In Badan Oo Ka Mid Ah Waxqabadka Taarikhda Galey Ee Xukumada Somaliland Inkastoo Xirsi Cali Xaaji Xasan Uu Haatan Ka Dagey Tareenka Xukumada Madaxweynahe Silaanyo Haddana Waa Masuul Ku Howlan Taaba Galinta Sidii Qarankani Cagta Usaari Lahaa Dhabaha Dawladnimo

Ex Wasiir Xirsi Waxaa lagu xasuusandonaa waxqabadka Togan ee uu ka hirgeliyey ama ka sameeyey jidadka Somaliland oo ahaa kuwo aad u burbursan, wuxuu muddo kooban Masuulkani Ku Dhisay Wadada U dhexaysa Hargeysa iyo Berbera, Taasoo Ahayd Wado Aad U Burbursan Ayna Naftooda Ku Waayeen dad magaca iyo maamuus kulahaa Somaliland.

Xirsi Cali Xaaji Xasan Waxaana Marnaba lagu iloobeyn doorka uu ka qaatay dhismaha wadada Ceerigaabo, oo uu dhagax dhigay madaxweynaha Somaliland, kuna magcaabay gudida qaadhaan uruurinta oo uu madax u yahay Ex Wasiir Xirsi Wakhtigii Uu Wasiirka Ahaa kuna guulaystey in uu bulshada reer Somaliland ku qanciyo in ay ka qayb qaataan dhismaha wadada Ceerigaabo.

Masuulkan Ayaa Qaranka Somaliland Uhorseeday Magac Wayan waxana Uu Muujiyay in xukuumaddan maanta joogta ay tahay xukuumadd ay ka go’antahay in ay dalkan iyo dadkan uga tagto Waxqabad Aan Duugoobeyn, Waana Shaqsi Siweyn Loo Mahadiyay Abaalka Wayn Ee Uu Umada Somaliland Uga Tagey

Xirsi Cali Kumuu Ekayn Oo Kaliya Dhisida Wadooyinka Ee Wuxuu Ahaa Masul Banaan Iyo Buurba Umarey Sidii Qaranimada Somaliland Ay Uqoonsan Lahaayen Beesha Caalamku Ex Wasiir Xirsi wuxuu hormood ka ahaa wada-hadaladii lala galay dowlada Somalia, isaga oo door muhiim ah oo geysinimo leh ka ciyaaray shantii wareeg ee ay soo mareen wada-hadalada Somaliland iyo Somalia.

Sidoo Kale Masuulkani Waxuu Jiido Halistooda Leh Umarey Qarameynta Maleeshiyaad Tiro Badan Oo Markii Hore Aamin Sanaa Mabda,a Khaatumo, Waxaanu Xirsi Cali Xaaji Xasan Maleeshiyaadkaasi Fahansiiyay Samaha Dawladnimo Isagoo Ka Saxar Saarey Tabashooyin Dhowr Ah Oo Ay Ka Qabeen Xukumada Somaliland.

Ex Wasiir Xirsi Ayaa Sidoo Kale Ahaa Masuul Meel Adag Ka Tagan Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland Waxaanu Jawaabcad Ka Bixin Jirey Cid Kastoo Oo Soo Faragalisa Qaranimada Iyo Yoolka Somaliland,

Hadda Xirsi Cali Kama Mid Ah Xukumada Madaxweyne Silaanyo Isaga Iyo Koox Wasiiro Ah Oo Miisan Culus Ku Lahaa Xukumada Somaliland Ayaa 26 Bishii October Sanadkii 2015 Ay Ku Dhawaaqen Iney Gabi Ahaanba Iska Casileen Xilkii Ay Ka Hayeen Xukumada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Dib Khilaaf Soo Kala Dhexgaley Iyaga Iyo Hogaanka Kulmiye.

Waxaaney Wasiiradan Oo Qarkood Ay Murashixiin Ka Ahaa Xisbiga KULMIYE Ay La Baxeen Garab Gooni Ka Goosad Ah Xisbiga KULMIYE Oo Lagu Magacaabo Garabka Isbaheysiga Dimuquraadiyad Doonka Ah Ee KULMIYE

Ugu Danbeyna Shacabka Iyo Rayul-caamka Somaliland Ayaa Idhaha Ku Haya Halka Uu Masuulkan Howlkarka Ahi Ku Danbeeyo Waxaana Wararku Sheegayaan Inuu Xirsi Cali Iyo Jamaahirtisu Ay Wadahdal Kula Jiraan Xisbiga Mucaaradka Ee Wadani, Hadii Wadahadalkaas Lagu Guuleysto Waxaa Dad Badani Aamin Sanyihiin Inuu Wadani Noqdo Xisbiga Ugu Tageerada Badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here