Ila Dareen Daljiraha Goboolka Togdheer Ku Kaalmaynaayo Dadka Ay Abaaruhu Saameeyen.Qalinkii Weriye C/Tiriike

0
566

Abaaraha Ka Jira Somaliland Waxa Ay Ahaayeen Mudooyinku U Danbeeyay Kuwa Ay Isa Soo Taraysay Marba Marka Ka Danbaysa Waxaanay Gaadheen Heer Ay Dad Iyo Duunyaba Ay Ku Naf Waayaan Abaarta Adag EE Ku Dhufatay Qaybo Ka Mida Gobolada Bariga Somaliland

Dareen Iyo Walaac Xoogan Ayaa Soo Foodsaaray Dhamaan Dadka Reer Somaliland Ee Ku Nool Dal Iyo Debad Waxaana Habeen Walba Soo Kordha Oo Ay Warbaahintu Keenan Warar Fajac Iyo Naxdin Badan Kuwaas Oo Ay Ka Muuqdan Dad Ay Ka Muuqato Diifta Abaartu Indhahooda Ka Qubanayaan Ilmo Iyo Wer Wer Aan Loo Adkaysan Karayn Oo Ka Muuqda Dadka Ay Abaaruhu Ku Habsadeen
Qof Walba Waxa Uu Ka Galay Dadaal Dheerada Oo Uu Doonayo In Walaalahooda Dhibaataysan La Qaybsado Muruugada Waxaana Daaha Ka Fayday Wixii Uu Ku Tari Lahaa Ha Ahaato ,Fikrad ,Qaadhan ,Iyo Talo Iyo Tusaalaba Hadaba Arinkan Waxaa Ka Soo Dhex Baxay Oo Aan Ka Soo Dhex Qabsan Doona Isla Markaana Diirada Ku Saari Doona Mid Ka Mida Masuuliyiinta Xukuumada Somaliland Oo Bulshada Reer Somaliland Ku Abuuray Qiiro Gaara,Isaga Oo Hor Kacaaya Bulshada Uu Madaxda U Yahay Oo Ah Dadweynaha Ku Nool Gobolka Togdheer Waxaana Jeclahay Inaad Ila Wadaagto Masuulkan Qiimayntiisana Aad Siiso

Mud:Maxamed Ibraahin Qabo Waa Badhasaabka Gobolka Togdheer Waa Ruux Aale Ku Manaysatay Caqli Haduu Jiro Kiisa Wanaagsan ,Cilmi Iyo Aqoon Hawlkar,Daacadnimo,Dadaal ,Aan Kala Joogsi Lahayn Tan Iyo Maalintii Madaxweynaha Somaliland U Igmaday In Uu Masuul Uga Noqdo Gobolka Togdheer Waxa Uu La Soo Kacay Dareen Wadaniyadeed Oo Uu Doonaayo In Uu Ku Dabakho Dadka Looga Dhigay Masuulka Waxaanu Bilaabay Waxqabad Ku Dayasho Mudan Oo Iska Wax U Qabso Ah Isaga Oo Ah Masuulka Keliya Dubu Cusboonaysiin Ku Sameeyay Gurigii Lagaga Dhawaaqay Jiritaanka Qaranimada Somaliland Balan Qaaday Inu Uu Isaga Oo Kaashanaya Shacabka Reer Burco Qabya Tiri Doono Waxa Ay Noqotay Hadal Si Weyn U Dhex Qaaday Quluubta Shacabka Reer Burco

Gurmadka Abaaraha Soo Food Saaray Qaar Ka Mida Gobolada Somaliland Taas Oo Ay Ku Ledeen Dad Iyo Duunyaba Waxa Uu Bilaabay Qorshe Labaad Oo Ah In Gurmadka Abaaraha Laga Qayb Qaato Maadama Oo Ay Dadka Reer Somaliland Yihiin Kuwo Aan Meel Kala Tagayn Waxaana Markii Ugu Horaysay Dhiibay 100 Gaadhi Oo Caws Ah Taas Oo Ay Ka Soo Baxeen Sadex Arimood Oo Saamayn Weyn Ku Yeelatay Dareenka Gurmadka Abaaraha Oo Markii Hore Laga Sii Jeeday

Dhaxal Galka Qabo

1:Gurmadka Abaaruhu Muu Ahayn U Jeedkiisu In La Bad Baadiyo Dadkuun Balse Xayawaanka Iyo Xooluhuba Waxa Uu U baahna Gurmad La Mida Ka Loo Fidinaayo Dadka Caqliga Wanaagsan Waa Sad Alle Waxa Uu Bilaabay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer In Shacabka Reer Burco Ay Gurmadkooda Ugu Horeeya Ku Bad Baadiyaan Xoolaha Ku Leday Gobolka Gebilay Waxaanu Gaadhsiiyay Deegaano Ka Mida Cawskii Ay Bixiyeen Shacabka Reer Burco Waxaanay Noqotay Feker Aad U Mihiim Ah Oo Ku Dayasho Mudan

2:Waxa Uu Noqday Gobolka Uu Madaxda Ka Yahay Gobolka Keliya Ee Ilaayo Hada Laga Hayo Gurmad Dhamaystiran Oo Ay Kaga Qayb Qaadanayaan Gurmadka Abaaraha Iyaga Oo La Dareen Ah Dadka Ku Tabaalaysan Abaaraha Ka Jira Deegaanada Somaliland

3:Shacabka Reer Burco Waxa Ay Bilaabeen Olale Ka Dhan Ah Gurmadka Abaaeraha Ka Dib Markii Badhasaabka Gobola Togdheer U Jeexay Dariiq Cusub Waxaanay Bilaabeen In Ay Si Weyn Qaybtooda Uga Qaatan Waxaana La Dhigay Qorshihii Lagaga Qayb Qaadan Lahaa Gurmadka Abaaraha

4:Culimada Gobolka Togdheer Iyaga Oo Ka Jawaabaya Baaqa Madaxweynaha Somaliland Kana Duulaya Olalaha Qaadhan Ururinta Shacabka Reer Burco Waxa Ay Dhankooda Wareejiyeen Lacag Dhan 15000 Oo Doller Waxaanay Quluubta Iyo Qalbiyada Reer Burco Ku Sii Xoojisay Dareenka Ka Qayb Qaadashada Gurmadka Abaaraha

5:Qorshayaasha Badhasaabka Gobolka Togdheer Dhigay Ayaa Waxaa Iyana Ka Mida Fekrad Cusub Oo Ah IN Ardayda Dugsiyada Waxbarashadu Ka Qayb Qaatan Gurmadka Abaaraha Iyada Oo Dugsiyada Waaweyn Ay Sheegen In Ay Bixinayaan Dugsi Waliba 16 Kun Oo Doller Waxaanay Noqotay Fikir Kale Oo Dhaxa Gal Ah

Natiijada Ka Soo Baxday
Waxaa Uu Muujiyay Dareen Wadaniyadeed Oo Ah In Uu Fuliyo Wareegtadii Madaxweynaha Somaliland Ka Soo Saaray Baaqa Abaaraha Waxaanay Muujinaysaa IN uu noqday Masuul Fahansan Shaqada Uu U Hayo Dalka Iyo Dadkaba

Gaadiidkii Ugu Horeeyay Ee Siday Cawska Waxa Ay Bad Baadiyeen Lo,dii Ku Sugnayd Dawga Oo Ay Ka Soo Gudbi Kari Weyday Gaajo Aawadeed Wakhtigii Loo Dhigay Gurmadkii Cawska Ahaana Waxa Ay Gelinkii Danbaba Ka SOO Dur Durisay Dawga Shiikh Waxaanay U Soo Gudubtay Deegaanada Naqa Ah Ee Ku Hareeraysan Degmada Shiikh

Gebo Gebo

Sheekadan Waxa Salka Ku Haysa In Maxamed Ibraahin Aadan Qabo Oo Ah Badhasaabka Gobolka Togdheer Uu Yahay Mid Ka Mida Jawharadaha Alle Ku Manaystay Dalka Somaliland Isla Markaana Uu Yahay Shikksiyaadka Dhowaan Nasin Doona Wadaanta Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ku Waraabinaayo Guud Ahaanba Jamhuuriyada Somaliland Waxaanay U Dhigan Tahay Sida Tan:
Wakhtiyadii Hore Ninku Marka Uu Guursanaayo Dhaqan Ahaan Waxaa Caado U Ahayd In Uu Haysto Boqol Halaad Oo Geela Marka Uu Doonaayo In Uu Guursado ,Ninkan Ayaa Geelisii Markii Uu Faro Marka Kasta Waxaa La Waraabiya Rag Ay Isku Qaraabo Yihiin Waayo Isagu Waa Keligii Geeliisuna Aadbuu U Faro Badantahay

Maalintii Danbe Ayuu Ninkii Guursaday Waxaana Sanad Ka Dib U Dhsahay Wiil Weli Ninka Geeliisi Waa Intii Oo Waabu Sii Fara Batay Deedna Markii INankii U Dhshay Ayuu Habeenkii Geelii Soo Kexeeyay Si Uu U Soo Waraabiyo Markii U Darkii Yimi Ayuu Ragii Ku Yidhi Waar Geela Ila Waraabiya Say Is Yar Giijiyeen
Deedna Wuxuu Yidhi Waar Wadaanta Ila Qabta Geela Ninbaa Soo Gaadhayee Taas Oo Macneheedu Yahay Geela Dhowaan Waxaan Helay Ninkii Ila Waraabin Lahaa
Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin Qabo Waxa Uu Noqday Ninka Ber Ka Maalin Wadaanta U Qaban Doona Shacabka Reer Somaliland

Qalinkii Weriye C/Tiriike

Contact:wariyetiriike@gmail.com

No 25224300826

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here