Wasiir cadaaniyow barnamijyadii live ka ahaa ma dareen dib u dhac baa ka danbeeyay Waa QALINKII F PRESEDENT MAX’ED OSMAN

0
493

(Wasiir cadaaniyow barnamijyadii live ka ahaa ma dareen dib u dhac baa ka danbeeyay) Sidaynu la soconay waxaa wasaarada warfaafinta iyo wayigalinta jamhuuriyada Somaliland loo dhiibay bil ka hor wasiir cismaan cabdilaahi saxardiid (cadaani), Wasiir cadaani waqtigii uu xilka la wareegayay waxuu sheegay inuu soo celin doono barnaamijyadii live ka ahaa ee ka bixi jiray tv qaranka jamhuuriyada somaliland, waxuu kaloo sheegay inuu noqon doono tv qaranka mid mucaarad iyo muxaafadba si siman wararkooda looga sii dayn doono, waxuu kaloo shegay inuu tv qaranka ka dhigi doono kan ugu horeeya tv yada ka jira geeska afrika. Dulucda hadalku waxuu yahay dadku waxay sugayeen wax qabad ku aadan wararka iyo barnaamijyada balse waxaa kazoo yeedhay wasiir cadaani arin aan wasaarada warfaafinta looga baran oo ah xafiiskii lacagta ee ay wasaaradu lahayd waa la jabsaday oo lacag lagu qiyaasay 5900.000 shilin Somaliland ah ayaa lagala baxay kadibna guddi ayaan u saarnay arinkaa soo baadha in badan oo kamid ah aqoonyahanka, siyaasiyinta iyo waxgaradka jamhuuriyada Somaliland waxay is waydinayaan waxqabadkii uu balan qaadayay wasiir cadaani ma waxuu isu badalay mid muujinaya korobshan, Waxaa Somaliland soo maray xukuumado kala danbeeyay waxaa la oran jiray xukuumadii udub aad bay u korobshan badnayd inkastoo tan haatan jogtana ay kasii daran tahay xaga korobshanka balse may dhicin xafiis dhan oo ku dhex yaala wasaarad la jabsado walibana laqaato lacatii qasnadaa ku jirtay iyadoo ay jiraan wasaaraad walba ciidan habeen iyo maalinba ilaaliya. Bulshadu waxay aragtaa dareen dib udhac oo kazoo muuqda wasaarada warfaafinta iyo wacyigalinta jamhuuriyada Somaliland dareenkasoo u eg mid horsed u ah korobshan baahsan oo wasaarada kazoo baxo, iyadoo aynu ogsoonahay in hay’adihii musuq maasuqa, iyo tii lagu magaabi jiray auditing gabi ahaanba ay noqdeen qaar la jaanqaaday waxa jira, Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan usoo jeedinayaa wasiir cadaani inuu noqdo mid bulshada maqashiyo wax lagu farxo,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here