Xildhibaan Aamina Cali Ayaa Kulan La Qaadatay Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro+SAWIRO.

0
495

1Xildhibaan Aamina Ali Ayaa Kulan La Qaadatay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro+SAWIRO.2

Hargeysa(SM)Waftidii Balaadhnayd ee ay Hogaaminaysay Xildhibaan Aamina Ali Ee Ka Soo Kicitay Dalka UK Gaar ahaan Degmada Tawer Hamlet oo mudooyinkii ugu Dambeeyeyba Ku Sugnaa Dalka Ayaa Kulan Is Xog waraysi Ah La Qaatay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbi Mucaridka WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Waxaana Kulankaasi Goobjoog Ka Ahaa Xubnihii Kala Duwanaa ee Xildhibaan aamina Ku Wehelinaayey Socdaalkeedaasi Iyo Xildhibaan Cabdirashiid Faarax Oo Ka Tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Burco.3

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Cirro Oo Kulankaasi Hadalo Kooban Ka Soo Jeediyey Ayaa waxa uu tilmaamay In uu aad Ugu Faraxsan Yahay Kulankani is Xog waraysiga ah ee uu La Qaatay Xildhibaan Amina Oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka Ee Degmada Tawer Hamlet Ahaana Shaqsiyadii Ictiraafka Somaliland ka Hirgalisay Degmadaasi Isagoona Gidoomiyuhu Sheegay In uu aad Ugu Bogaadinaayo Shaqada Ay Xildhibaanada Iyo xubnaha Waftideedu U Hayaan Qaranka “Waxaan aad ugu Faraxsanahay In aan is Xogo waraysano Xildhibaan Aamina Iyo Waftideeda oo ah Xubnihii ictiraafka Ka Hirgaliyey Tawer Hamlet, Runtii Waxaad samayseen wax laydinku Bogaadiyo Waanan Idinku Hambalyeynayaa Shaqada aad U Haysaan Umada Somaliland ” ayuu Yidhi Gudoomiye Cirro.

Xildhibaan Aamina Ali Oo iyana Ka Hadashay Kulankani Ay wada qaateen Gudoomiye Cirro ayaa sheegtay in uu daaranaa Horumarka Qaranka Somaliland waxaana ay Xildhibaanadu Sheegtay in Ay Masuuliyad weyn iska Saarayso Arimaha Ictiraaf Raadinta Somaliland Lana Shaqeyn Doonto Cid Kasta oo qaranka Somaliland u adeegaysa “Waan Ku Faraxsanahay Runtii in aan kulankan la Qaato gudoomiyaha Golaha wakiilada Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, Waxaanu Ka Wada Hadalnay Horumarka Qaranka Somaliland Iyo Arimaha Ictiraaf Raadinta Insha Allah anigu Ka Xildhibaan ahaan waan la shaqeynayaa Masuuliyiinta Qaranka Kuwa Hadda Shaqeeya Iyo Dowladaha La Soo Dooran doonaba Insha Allah waxa muhiim ah uun Horumarka Dalkeena Iyo Arimaha Ictiraaf Raadint” ayay Tidhi Xildhibaan Aamina Ali.

Si Kastaba Ha Ahaatee Waftidan Ay Hogaaminayso Xildhibaan Aamina Ali oo Mudooniyiinkii Ugu Dambeeyey Ku Sugnaa Dalka ayaa u Joogay Indho Indhayn ku salaysan guud ahaan Xaalada Dalka Somaliland.

Qoryaalenews/Hargaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here