Arooskii xalay iyo xiisihii ku xernaa

0
602

Arooskii xalay iyo xiisihii ku xernaa
Wakhtigu waa galabnimo,waxa aan ka soo toosay hurdo aad u macaan oo aan seexday maantay markii aan qadada cunay ka bacdi.hal saac ka hore ayaan ka toosay.waxa aan ku fadhiistay kursi yaalla barxada hore ee guriga,waxa horyaal miis aad u qurxoon oo aniga laygu talo galay,waxa aan dalbaday shaaha lagu daray xawaash iyo caano geel oo lis ah.jewi degan oo farxad ku dheehan tahay ayaan ku jiraa,aniga oo kolba mawjad xasuuseed dhex dabaalayaana ayaa waxa la garacaay albaabka guriga,waana laga furay,waxa markiiba soo galay laba ruuxa oo qosol iyo sheeko aad u macaani ka dhaxayso.waan soo yar qooraansaday intii aanay soo gaadhin halkii aan fadhiyey,markiiba waxa aan wejiga ku dhuftay wejiga quruxda badan ee sxbaday niyaala iyo sxbkay booliyaanga,farxadii aan ku jiray ayaa igu sii laban laabantay,oo igu laba jibaarantay.

Waxa aan sugi kari waayey intii ay soo gaadhayeen miiskii iyo kursigii aan ku fadhiyey,aniga oo aan is ogayn ayaan hinqaday oo kacay waxaanan damcay inaan ka hortago.balse intii aan hinqanayey ayey ba isoo gaareen,wejigooda farxad aanan weligood ka arag ayaan ka dareemay. markii sheeko la dhameeyaba qosol googoos ah ayaa kolba la raacinayaa,oo laga daba geynayaa sheekadii dhamaatay.dhoola cadaynta iyo ilkaha cas cas ee niyaala ayaan aad u daawanayaa,sxbkay booliyaanga qudhiisu waxa uu la cajabsan yahay quruxda iyo dhoolacadaynta saaxiibadiis niyaala ka muuqata.anigu hamuun kalgacal ayaan u qabaa maadama ay yihiin laba ruux oo agtayda qiimo iyo qaayo aan la qiyaasi Karin ku leh.cod aanan qiimihiisa garanayn ayaan ku idhi *soo dhowaada sxbayaal gurigu waa gurigiinii).aniga oo aan is ogeyn ayaan labadoodiiba marba mid habsiiyey oo aan laabta geliyey.si fiican oo boholyow ku jiro ayey iiga qaadeen salaantii gacaltooyo ee aan gaadhsiiyey.

Laba kursi ayaan kolkiiba ula soo orday,shaahii aan cabayeyna laba koob oo la mid ah ayaan miiskii usoo dulsaaray.markii aanu shaahii ka qacsiinay ee aanu xoogaa kaftan iyo is xaal waraysi ah is dhaafsanay ayey iga codsadeen inaan la wadaago sheekada ay ii hayaan.waanan ka aqbalay,anigu dhaban ka iyo gacanta ayaan isku hayaa waanan dareemay inay ii wadaan war farxad leh oo weliba muhiim ah.booliyaanga ayaa damcay inuu sheekada ii bilaabo balse niyaala ayaa afka gacanta ka saartay oo ka codsatay inay iyadu sheekada ii bilawdo,iyada oo ku cel celinaysa *aniga ayaa u sheegaya sharmarke warkaas farxada leh*.booliyaanga isaga oo dhoola cadaynaya ayuu ka aqbalay,niyaala ayaa markaa sheekadii ii bilawday waxayna ku bilawday* sharmarke war farxad leh ayaan kuu sidnaa,warkaas waa mid farxad leh haa waa mid farxad leh,aniga iyo booliyaanga waan is mehersanay oo habeen dambe ayaan aroos gelaynaa,haa weliba meel aanad weligaa arag ayuu aroos kayagu ka dhacayaa,waan hubaa inaad naga cadhoon doontid balse waxa aan arintaas oo dhan u samaynay inaan kedis farxadeed kaaga dhigno,hanaga xanaaqin sxb * ayey hadal ku soo uruurisay intay ubax baar guduudan dhankaygii usoo fidisay si aan uga gudoomo.aad ayaan ugu farxay warkan farxada leh,aniga oo dhoolacadaynaya ayaan ubaxii ka gudoomay.waxa aan su,aalay goorta aroosku yahay iyo meesha uu ka dhacaayo,booliyaanga ayaa hadalkii qaatay waxa aanu ii sheegay in aroosku isla habeen dambe dhacaayo kana dhacaayo meeraha jubbiter,waan yaabay waxaanan su,aalay waxa loo raaci doonto meeraha jubbiter oo aan ognahay fogaanta uu u jiro meerahan dhul ee aan ku suganahay hadda.waxa uuna ii sheegay inaan raaci doono dayax gacmeed laga soo diray meeraha maaris,cajaa,ib”.waxa kale oo aan su,aalay waxa ku kelifay inay meerahaas ku aroostaan?.waxaanu ii sheegay inay niyaala ka codsatay,isaguna uu ka ogolaaday,waxaanu iisii raacshay hada inaanay wakhti hayn ee aan diyaar garoobo,si aan u galno safar dheer oo aanu geli doono caawa.

Waan soo baxay,qolkaygii ayaan galay oo aan ka soo labistay,waanan soo baxay.waxaanu isku raacnay halkii aanu ka raacaynay dayax gacmeedkii.soo gaadhnay meeshii uu ka duuli lahaa waanu kornay saddexyadii iyo hal ruux oo kale oo ka soo kiciyey meerihii uu ka yimid ee maaris. Goor makhribkii ku dhow ayuu nala kacay,isaga oo u sii jeeda dhankaas iyo meeraha jubbiter ee aroosku ka dhacaayo habeen dambe.wakhti aan goor sheegta ku qiyaasay sideedii subaxnimo ayaan soo gaadhnay meerihii jubbiter ee aan u soconay.jewi aanan garanayn wax aan ku qiimeeyo ayaan galay,waxaan tegay meel quruxda taala aad ba is odhanaysid aduun ka meel ka qurux badan ma jirto,jewi degan,roob kolkaas qaaday oo laydhii macaanayd iyo saxan saxadii udgoonayd weli aad dareemaysid.naxariista rays ka iyo biyaha dhulka wadhan ayaad amakaag usoo baxaysaa kolkaad aragtid.shimbiraha noocyada kala duwan iskugu jira iyo dhawaqa cidooda kala gedisan ayaad ku raaxaysanaysaa.goob aad u bilicsan oo aad loo habeeyey oo loogu talo galay in aroosku ka dhaco caawa ayaa isla goobta laga bineeyey,meel aad iiga durugsan waxaa iiga muuqda hablo iyo wiilal ku lebisan dharka hidaha iyo dhaqanka oo aanan hore u arag noocyo la mid ah.meel ku began afaafka hore ee goobtan loogu talo galay arooska iyana waxa iiga muuqda koox ku mashquulsan qalabkii miyuusikada ee loogu talo galay arooska.

Niyaala waxa ay ku fadhidaa dhagax weyn oo midabkiisu casaan u badan yahay,waxaanay gacanta ku haysaa ubax midabyo kala duwan leh,aniga iyo booliyaanga waxa aanu fadhinaa meel aan ka durugsanayn halkan niyaala fadhido,kolba hadal ayey nagu soo tuuraysaa kaas oo kaftan u badan,maalintii oo dhan waxa aan ku dhamaysanay farxad iyo damaashaad,waxaana la gaadhay habeenimadii xalay ahayd,aroos qiimahiisa lahaa ayaa ka dhacay goobtii,dad kala duwan ayaa ka soo qayb arooska,waxa uuna arooskii ku bilaabmay jewi degan,kolkii arooskii kala badhan yahay ayaan maqlay miyuusig aad moodid inaan garanaayo ,waxa aan ku soo dhowaaday meeshii heesuhu ka baxayeen,waan yaqiinsaday in miyuusigan yahay kii soomaalida maanse garan cida qaadaysa,cabaar haddii aan meeshii taagnahay ayey heestii bilaabantay,waa hees cajaa,ib leh oo ay isla qaadayaan alle haw wada naxariistee labadii fanaan ee xaliimo khaliif magool iyo cismaan gacanlow.waana heestii MAXAA KULA HAGAAGSAN.xiise ka badan kii hore ee aan arooska u hayey ayaan u qaaday kolkii aan maqlay heeskaa soomaliga ah.haddii aynu wax ka soo qaadano qayb ka mid ah midhii heesta.

Magool:

Waan hubaayoo

Wey hayaa jacayl

Wey haleelayoo

Wuu ila hadhee

Laba heshiisana

Ama is haleeshana

Ama wey is halmaamaan

Ama isku soo hiloobee

Hadaa maxaynu yeelnaa

Ma hadhsanaa

Ma hirqanaa

Ma hoy gelaynaa

Maxaa kula hagaagsan.

Cismaan gacanlow:

Waa halkiisii

Heshiiskii dhexdeenoo

Hana qaadayoo

Halis baad is gelisee

Hadal miyaan karaa

Hurdo miyaan aqaan

Aday hiday ku raacdee

Hadaa halkaynu joognaa

Ma hilin baa

Ma hirsaraa

Ma dhulkii hoosaa

Waaban heedadaabee.

Damaashaad iyo dalxiis aanan weligay ilaawi doonin ayuu ku soo dhamaaday arooskii booliyaanga iyo niyaala oo aanu axsaab ahayn muddo hada ku siman shan iyo toban sanadood.quruxda iyo qiimaha arooska maaha mid aan dib uga sheekayn karaayo.waxa uu ahaa aroos layskaga yimid sagaal ka meere ee aynu aduun ka ku naqaano.meeraha loo yaqaan dhul ee aynu ku nool nahay waxa ka socday aniga ,niyaala iyo boqorkeeda booliyaanga.meerayaasha kala waxaa ka socday dad badan oo iyagu kooxo kooxo u socday,subaxnimadii saaka ayaan ka soo baqoolay meeraha jubbiter caawa fiidkiina waxa aan soo gaadhay dhulkii aan laba cisho ka hor aan ka raacay dayax gacmeedka,hada waxa aan dhexdabaalanayaa xasuusihii cajiibka ahaa ee aan kasoo guntay arooskii xalay ee asxaabtayda booliyaanga iyo niyaala.

W/d: sharmarke cabdi ibraahim (dhuux).

Lives : addis ababa Ethiopia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here