Mas’uuliyiinta Al-shabab Oo Dagaal Gacan Ka Hadal Ku Dhex Maray Shir Ay Ku Lahaayen Deegaamad Jilib.

0
379

Wararka laga helayo Magaalada Jilib ee gobalka Jubada dhexe ee waddanka Somaliya ayaa sheegaya in horjoogayaasha Al-shabab ay isku fahmi waayeen shir Sadaxdii maalmood ee la soo dhaafay ay ku lahaayeen Magaaladaasi.

alshabaab
Gacan ka hadalka ayaa ka dhashay kadib markii uu isfahmi waa soo kala dhex galay horjoogaha dhinaca Maaliyadda u qaabilsan al-shabaab deegaanada Jubooyinka Axmed Surad iyo Hor Jooge Kale oo lagu magacaabo Aadan Dhagajuun taas oo sababtay in muran xooggan kadib shirkaasi lagu kala tago.

Axmed Nuur Xasan oo kamid ah dadka ku nool magaalada Jilib ayaa warbaahint au sheegay in kala shakiga soo kala dhex galay Horjoogayaasha al shabab oo laba saf u kala qeybsamay ay sababtay in xalay bandoow la galiyay magaalada loona diiday dadka shacabka ah in ay guryahooda ka soo baxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here