Dawladda Zimabwe Oo Mamnuucaysa Shirkadaha Ajenebiga Ah Ee Ka Hawl Gala Waddankaasi

0
527

Dalka Zimbabwe ayaa laga mamnuucay in laga bilaabo 1 April ee sannadkan 2016 ay ka hawlgalaan shirkado ajenebi ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin kuwa macdanaha qoda iyo baannanka, gaar ahaan kuwa diida in ay wadaagyadooda ugu badan ay ka iibiyaan dadka muwaadiniinta ah, sida uu sheegay Wasiirka Kor-u-qaadista (Empowerment Minister) dalkaas Patric Zhuwao.

 

Masuuliyiinta ugu sarraysa Zimbabwe, ayaa shirkadaha ajnabiga ah waqti kama dambays ah oo ku beegan  bisha March 2016 siisay si ay u soo gudbiyaan qorshahooda ku saabsan sida ay sharciga sheegaya in ay wadaagoda (share) 51% ka iibiyaan dadka maxaliga amma muwaadiniinta ah.

“Ganacsigu wuxuu u muuqdaa inuu meel kaga dhacayo asal ahaan dadka u dhashay Zimbabwe amma sharciga muwaadiniinta ilaalinaya ee uu Madaxweynahayagu soo jeediyey iyo xukuumadiisuba, sidaa darteed, waa in aad waafaqdaan amma iska xidhaan,” ayuu Wasiir Zhuwao u sheegay war-fidiyeenada.

Xeerka lagu difaacayo ganacsiga muwaadiniinta, ayaa Madaxweyne Robert Mugabe uu soo saaray 2008 si uu kor ugu qaado awoodda ganacsi ee muwaadiniintiisa, isla markaana dadka Zimbabwe u dhashay ay awood ugu yeeshaan shirkada ajenebiga ah.

Labada shirkadood ee ugu soo saarka badan macdanta Platinium ee Anglo American Platinum iyo Impala Platinum iyo Shirkadaha Bangiyada ee Standard Chartered Plc iyo Barclays Plc, ayaa ka mid ah shirkadaha arrintan saamaynayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here