isku dhaca ilma cali xuseen dhuux oo dhugo halkuuu ka yimid WAA QALINKII F PRESEDENT MAX’ED OSMAN

0
606
( isku dhaca ilma cali xuseen dhuux oo dhugo halkuuu ka yimid ) Sidaynu ka daawanay warbaahinada kala duwan waxaa isa soo taraya khilaafkii ka dhaxeeyay aqoonyahan jamaaal cali xusaan iyo mulkiilaha xisbiga ucid faysal cali xuseen oo labaduba ah mas’uuliyintii ugu saraysay xisbiga ucid. Waxaynu ogayn in waqti hada laga joogo dhowr sano ka hor uu mulkiilaha xisbiga ucid faysal cali waraabe kusoo dhaweeyay aqoonyahan Jamaal cali xuseen xisbiga ucid, sida la sheegayna ay galeen heshiis dhigaya in aqoonyahan Jamaal cali xuseen uu noqdo musharaxa xisbiga ucid, heshiiskaa sida warar xog ogaal ah shegayaan magaca xisbiga lama badalin oo wax heshis lagu yahay oo badal xisbi magaciisa ah ma dhicin, aqoonyahan Jamaal cali xuseen isagoo wata himiladii iyo higsigisii doonayana inuu dalka ka noqdo madaxwayne waxbadana kusoo kordhiyo waxuu go’aan saday in magaca xisbiga ucid uu u badalo new ucid oo qoraalkaas dhigaya inuu yahay xisbi labadalay musharaxiisa iyo himaladiisa mustaqbal ee wax ka badalka dalkan jamhuuriyada Somaliland. Faysalna kamuusan hadlin magacaa labadalay oo muusan oran magacayagii ayaa la badalay. Waxaynu ogayn in xisbiga ucid uu galay waqti yar urur balse waxay ku gulaysteen inay halkoodii oo ahayd xisbi ay kusoo celiyaan xisbiga ucid. Waxaana in muddo ah xisbigaas xilka musharaxnimada u siday aqoonyahan Jamaal cali xuseen. Isku soo wada duboo dulucda hadalku waxuu yahay waxuu sheegay aqoonyahan Jamaal cali xuseen inuu maxkamada gayn doono dacwada xisbiga hadii maxkamada ay wax ka qaban waydana uu aqoonyahan Jamaal cali xuseen ahaan wax ka qaban doono. Su’aalaha la iswaydinayaa waxay tahay hadii wax la isku qabto way haboontahay waana sharci in hay’adaha lagu kala baxo loo gudbiyo balse xisbigan magaca loo bixinaya ee qoraalka dacwada lagu lifaaqayaa ma waxuu noqonayaa new ucid oo uu la baxay aqoonyahan Jamaal cali xuseen mise magaca uu had iyo jeer sito mulkiilaha xisbiga uicid ee ah xisbiga ucid. Su aasha kale waxay tahay waxaynu ogayn in mulkiilaha xisbiga ucid faysal cali xuseen uu bari hore meel ka mariyay isbahaysigii uu hormuudka ka ahaa cabdiraxmaan ciro xisibiga ucid maxkamadan sidaa ku go’aamisay, hase yeeshee aqoonyahan Jamaal cali xuseen waxuu shegay inuu gacantiisa wax kaga qaban doono hadii maxkamada ay u buriso mulkiilaha xisbiga ucid faysal cali waraabe. Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan oran lahaa aqoon yahan Jamaal cali xuseen iska hubi magaca aad maxkamada u gudbinaysaa, marka xiga faysalna waxaan leeyahay arinka dhulka dhig oo isku day inaad dhalinyarada soo dhawayso sidii hore lagaaga bartay
Chat conversation end

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here