Shirka Waxa Ka Soo Baxay Gudoon Ah In Diwaan Gelinta Codbixiyayaasha Mudo Kooban Oo Bil Ah La Hakiyo Loona Jeesto Gurmadka Abaaraha”Wasiir Maxamuud Xaashi

0
541

Shirka Waxa Ka Soo Baxay Gudoon Ah In Diwaan Gelinta Codbixiyayaasha Mudo Kooban Oo Bil Ah La Hakiyo Loona Jeesto Gurmadka Abaaraha”Wasiir Maxamuud Xaashi

Wasiirka Madaxtooyaa Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay natiijada ka soo baxday shirkii ka dhacay madaxtooyada ee dib loogu dhigay diwaan gelinta codbixiyayaasha.

Wasiir Maxamuud oo qoraal uu shirkaas kaga hadlay soo saaray ayaa waxa uu ku bilaabay “Maanta waxaan ka qayb galay shir uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo isugu yeedhay madaxda kala duwan ee Qaranka sida Shir gudoonka labada Golle ee baarlamaanka, madaxda sadexda xisbi qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka, shirkaas oo ujeedadiisu ahayd sida laysu waafajinayo mashruucii Qaran ee diiwaangalinta ee hore u socday iyo gurmadka aynu qaran ahaan ugu jirno dadka Abaaruhu sameeyeen ee reer Somaliland.

Talooyin badan oo Madaxweynaha ugu yimid dhinacyo kala duwan ka dib ayuu Madaxweynauhu shirkaas u qabtay madaxdaasina isugu yeedhay si uu tallo u waydiiyo, isagoo Madaxweynuhu awood u leh inuu go’aan soo saari karro maadaama uu yahay Hogaamiyihii Umaddan, hadana dhaqanka Madaxweyne Siilaanyo lagu yaqaano ee tallo wadaaga dartii ee uu curfiga iyo caadada u leeyahay ayuu shirkaas u qabtay.

 

Ka dib markii la rogrogay shirkii waxa ka soo baxay gudoon ah in diiwaangalinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland mudo kooban oo bil ah la hakiyo loona jeesto gurmadka abaaraha iyadoo Qaran ahaan laysku duuban yahay.”

Allah Abaaraha ha inaga Jabiyo Raxmadiisana ha inoo shubo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here