Wada hadaladii isbahaysiga Kulmiye iyo xisbiga Waddani oo si rasmi ah u bilaabmay

0
441

Hargeysa(QYN)-Waxa shalay magaalada Hargeysa si rasmi ah uga bilaabmay wada hadalada u dhexeeya xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo siyaasiyiinta ku bahoobay isbahaysiga dimuqradiyad doonka xisbiga KULMIYE.

Wada hadalkan bilaabmay oo aan laga soo saarin wax war ah, ayaa sida ay ilo xogogaali u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika, waxa ka qayb galay guddiyadii ka koobnaa tobanka xubnood ee ay labada dhinac magacaabeen, waxaanu dhinac waliba kulankaas ka muujiyay inuu ku qanacsanyahay inay bilaabaan wax wada qabsi rasmi ah oo siyaasadeed.

Guddiga uu xisbiga Waddani magacaabay oo ugu horayn kulankaas ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan in siyaasiyiintani cududooda ku biiriyaan xisbiga, iyagoo xusay inay yihiin siyaasiyiin ka soo kala jeeda deegaano kala duwan oo ay aaminsanyihiin inay awood ku soo biirin doonaan xisbiga Waddani.

Xubnaha isbahaysiga, ayaa iyaguna tilmaamay inay diyaar u yihiin in wada hadalku guulaysto, waxaanay tilmaameen in siyaasiyiintan ay ka go’antahay hirgelinta wada hadaladani.

Ugu dambayn, kulanka oo lagu kala qaatay xogo iyo aragtiyaha iyo soo jeedimaha uu dhinac waliba sito, gaar ahaan siyaasiyiinta isbahaysigu, ayaa waxa la isku raacay in kulanka shalay noqdo bilow, halkaasna ay ka sii socdaan kulamada dambe, islamarkaana sida ugu dhaqsaha badan uu dhinac waliba wixii uu tallo u arko kula noqdo dhinacii kale ee soo wakiishay.

Kulanka ayaa sida ay xoguhu sheegeen u muuqday mid ku furmay jawi degen oo aanay ka muuqan aragtiyo kala durugsan oo siyaasadeed oo labada dhinac u dhexeeyay.

Wargeyska Geeska Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here