Hogaamiyaha Maleeshiyada Dibad Wareega Ah Ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh Ayaa Wacad Ku Marey Inuu Xoojin Doono Weerarada Maleeshiyadiisu Ay Ka Wadaan Jiida Buhoodle Iyo Qorilugud

0
828

Hogaamiyaha Maleeshiyada Dibad Wareega Ah Ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh Ayaa Wacad Ku Marey Inuu Xoojin Doono Weerarada Maleeshiyadiisu Ay Ka Wadaan Jiida Buhoodle Iyo Qorilugud

 

Cali Khaliif Galaydh Ayaa Sheegay In Aaney Maleeshiyadiisu Ogalayn Nabad Ka Dhalata Degaanada Ay Wada Dagaan Beelaha Walalaha Ah Ee Kasoo Kala Jeeda Degaanada Buhoodle Iyo Qorilugud

Cali Khaliif Oo Maanta Shabakada Caalamiga Ah Ee Qoryaalnews Ay Kula Xidhiidhey Khadka Telefoonka Ayaa Ka Maquurtey Inuu Si Faahfaahsan Oga Hadlo Falalka Amni Daro Ee Maleeshiyada Uu Hogaamiyaa Ay Ka Wadaan Guud Ahaan Gobolka Buhoodle

“Adeer Iga Raali Ahow Anagu Waraysi Masiino Saxaafada Somaliland, Waxan Kuu Sheegayaa In Aanu Wadayno Dagaalada Aanu Kula Jirno Cadowga Dhulkayaga Kusoo Duuley Ee Somaliland” Ayuu Yidhi Cali Khaliif Galeydh Oo Khadka Telefoonka Kula Hadley Shabakada Caalamiga Ah Qoryaalenews

Ugu Danbeyn Cali Khaliif Oo Aanu Waydiiney Bal Sababta Ay Falalka Amaan Daro Oga Wadaan Degaanada Buhoodle Iyo Qorilugud Ayaa Si Kooban Oga Hadley Arintaas Waxaanu Yidhi”Niyow Waan Kuu Sheegay Dagaalka Waan Wadeynaa” Ayuu Dagaal Ooge Cali Khaliif Galeydh Qoryaalenew Usheegay

Maleeshiyada Khaatumo Seeg Ee Kasoo Jeeda Gobolka Buhoodle Ayaa Mudooyinkii Ugu Danbeeyay Falal Amni Daro Ka Waday Jiida Udhaxaysa Degaanada Qorilugud Iyo Buhoodle, Balse Shacabka Xoolo Dhaqatada Ah Ee Asal Ahaan Kasoo Jeeda Degaanka Qorilugud Ayaa Markastaba Ka Feejigan Weeraro Fuleynimo Ah Oo Kaga Kooxdan Dhuumaaleysiga Badan Ee Khaatumo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here