Ciidamada Ammaanka Ruusha Oo Gacanta Ku Dhigay 20 Qof Oo Taageerayaal U Ah Kooxda Daacish.

0
572

Ciidamada Amaanka ee Ruushka ayaa Arbacadii shalay magaalada Moscow ku xiray 20 qof oo la sheegay inay xiriir laleeyihiin kooxda Daacish (ISIS).
Hawlgalkan ayaa la xadhiidha labo qarax oo Salaasadii lasoo dhaafay ka dhacay ismaamulka gobalka Muslimiinta ay ku badan yihiin ee Dagestan, weerarkaasi Salaasadii dhacay oo loo adeegsaday labo gaadhi oo bambaano lasoo saaray ayaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 10 askari oo ka tirsan ciidamada amaanka.

Warbaahinta taageerta kooxda ISIS ayaa sheegatay weerarkaasi inay ka danbeysay kooxdaasi oo iyadu ah tii sheegatay weerarkii sidoo kale kadhacay magaalada Brussels todobaadkii lasoo dhaafay.

Daacish ayaa horey u sheegtay inay weeraro la beegsan doonto dalalka reer Galbeedka iyo dowlada Ruushka ee gacanta siisa xukuumada Siiriya ee Bashar Al Assad. Waxayna kooxdaasi ahayd tii fulisay qaraxii lagu soo riday diyaaradii laga lahaa Ruushka ee bishii Oktober dhamaadkeedii kusoo dhacday dalka Masar iyo waliba weerarkii balaadhnaa ee ka dhacay bishii xigtay ee November magaalada Paris ee caasimada France.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here