Wasiir Waran Cade Oo Ka Hadlay Xadhiga saado Jaamac Aadan Oo kamida Eedaysanayaashii Khaarajiyey Taliye Casayr Sheegayna In Maxkamad La Horkeeni Doono

0
473

Wasiir wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed waran-cadde, ayaa ka hadlay xadhigga haweenay lagu magacaabo Saadao Jaamac Aadan oo u xidhan tuhunka dhacdadii lagu dilay taliyihii ciidanka booliska Gobolka Saaxil oo hay’adaha qaramada midoobay ee xuquuqda aadumuhu si kale u macneeyeen. Wasiir waran-cadde oo u warramay idaacadda BBC-da, ayaa meesha ka saaray tacaddiyo la sheegay in haweenaydaas loo geystay, waxana uu caddeeyey in baadhitaanno lagu hayo kiiskeeda. Ugu horrayn wasiirku waxa uu faahfaahiyey sababta haweenaydani u xidhan tahay,

“waxad ogaydeen in kiis ka dhacay sheikh oo niman ay galeen kuna dileen sarkaalkii booliska xukumayey, ciidamadu waxay galeen baadi goobkii nimankaas, kiiskooda markii la baadhayna waxa uu galay dad gacan siin la lahaa, gabadhina waxa ay kamid ahayd dadkii kiiskaasi galay” ayuu yidhi wasiir warancadde. Wasiirku waxa uu sidoo kale ka hadlay maxkamadda ciidamada militeriga oo haweenaydaas la horgeeyey, waxana uu sababeeyey qoddobada keenay in maxkamadaas la geeyo, waxana uu yidhi,”sharcigu wuu oggol yahay in dadka qaar la saaro maxkamad militeri marka dadk wax geystay ay qalab militeri wax ku dilaan dadka dagallamay ayaa u jiidanaya iyada dhinaca maxkamadda militeriga” Wasiirku waxa uu intaas ku daray,”waa maxkamada militerigu waa furan oo la dhegaysan karo oo umadda u furan, ciddii danaynaysaana way dhegeysan kartaa, qofna halkan laguma jujuubo, xabsi dambiyeedna weeye waxani sabab intaas xuquuqdeeda loogu tacaddiyaa meesha ma taallo, qofwalibana xaq buu u leeyahay inuu isdifaaco.” Sidoo kale waxa uu wasiir waran-cadde meesha ka saaray warar sheegaya in haweenaydaas la jidh dilay, waxana uu yidhi,”dadka ma jidhilno iska daa dumaroo kuwa dembiyada waaweyn gala lama jidhilo, qofkuna maxkamaddu way la joogtaa qareenkeeduna wuu tegi karaa, saldhigyada meelaha lagu baadho ayey ku jirtaa ama Berbera ha ahaato ama Hargeysa ha ahaatee meeshii lagu qaadaabaa waa meeshii kale.” Hadalka wasiirka arrimaha gudaha ayaa ka dambeeyey qoraal dheer oo hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqda aamaha ee Amnesty International ay ka soo saartay kiisha haweenaydan, kaas oo lagu sheegay in tacaddiyo la gaadhsiiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here