Nuxurka Kulan Dhex Maray Waasiirka Hawlaha Guud Iyo Hay’addaha Ilo Iyo UN- Habitat

0
2595

WASHargaysa(QYN)Warsaxaafadeed ka Soo Baxay Wasaarda Hawlaha Guud Gadiidka Iyo Guryaynta Somaliland ayaa Lagu Sheegay inuu Maanta Wasiirka Wasaaradu kulan layeeshay Haay’addaha ILO Iyo UNHABITAT.

Kulankan oo ahaa Mid Aan Warbahint Loo Ogolaan Ayaa Markii uu Soo Dhamaaday waxa lagu Faaqiday baahiyaha ay wasaaradu u baahan tahay in laga caawiyo,waxaana ay soo saareen qodob badan oo lagu jaan gooyay hawlaha wasaarada.

Warsaxaafadeedkan oo Nuqul Ka Mid Ahi soo gaadhay shabakada wararka ee hadhwanaagNews ayaa waxa uu u dhignaa Sidan.

“Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed ayaa Maanta kulamo Gaar-gaara la qaatay Hayadaha ILO iyo UNHABITAT.

Wasiirka waxa kulankan ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mukhtaar Maxamed Cali Kulankan ayaa mid la iskula soo qaadey Mashriicdda Horumarineed ee labadda Haayadood la qaban doonaan Wasaaradda Hawlaha Guud ee sannadka 2016.

Kulanadan ayaa ahaa qaar hordhac ah waxaana la iskula qaatay1. In layska waraysto laysna update gareeyo habsami usocodka wada shaqaynta Wasaaradda ILO iyo UNHABITAT.

2. In laysla eego activities 2016 ka ee ka dhaxeeya Wasaaradda ILO iyo UNHBTAT.

3. In Wasiirka lagu soo casuumo shirka wayn ee isugu imanayaan qaadhaan Bixiyayaasha iyo Dawladu, si loogu ansixiyo budget 2016 ee mashruuca JPLG somaliland ,

4. Gabogabdii waxa laga wada hadlayo sidii ay isku kaashan lahaayeen Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland iyo Labaddan Hayadood.

Hayadda ILO waxa ka socday 1. Angela Atsiaya, ILO, JPLG Program Manager, Head Office in Kenya

2. Abdihamid, ILO , Somaliland Program Officer,

3. Mohamed Ahmed Hussein, Technical Advisor

4. Yasmin Saed Dirie , Technical Advisor Halka UNHABITAT Ka socdeen

1. C/RAXMAAN, UNHABITAT, GPLG Program Manager, Head Office in Kenya.

2. Iyo AXMED, UNHABITAT, Somaliland Program Manager.

Shirarkan Gaar-gaarka ahaa ee Wasiirku la qaadanyey labaddan haydood ayaa kusoo afmeermay Jawi degan iyo isafgar ayaa Gaadheen dhinacayadii kala duwanaa.

C/raxmaan C/laahi Wirdaani Afhayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here