41 Qof Oo Ku Geeriyooday Dhulgariir Sunaami Ah Oo Ku Dhuftay Dalka Ecuador.

0
518

41 ruux ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen dhulgariir xoogan oo Sunaami ah, kaasi oo ku dhuftay dalka Ecuador, sida ay shaaciyeen masuuliyiinta dalkaasi.

quake8
Lix Gobol oo ku yaal dalkaasi ayaa waxaa lagu soo rogay xaalad deg deg ah, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Jorge Glas.

Dhulgariirkaan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 7.8, ayaa ku dhuftay deeganada dhaca Xeebaha dalka Ecuador, wuxuuna sababay Khasaare lixaad leh oo ka dhashay dhulgariirkaasi.

Markii hore dhulgariirka wuxuu ka biloowday dhinaca xeebto oo uu dhow goob ay ku badan yihiin dadka dalxiisayaasha ee dalkaasi taga, iyo kalluumeysatada.

Horay ayaa looga digay dhulgariirkaan Sunaamiga ah, waxaana digniintaan la siiyay dalalka Ecuador iyo Peru.

Caasimada Quito ee dalka Ecuador, waxaa qaybo ka mid ah ka go’ay Korantadii iyo Qadadkii Taleefoonada ee dadka ay isticmaalayeen, saameynta ka dhalatay dhulgariirka awgiis.

Horay ayaa Xarunta Digniinada Dhulgariirka ee Pacif-ka u soo saartay Digniin la xiriirta Mowjadaha dhulgariirka Sunaamiga ah ee dalkaasi ka dhici rabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here