Xildhibaan Bidhi Oo Dhambaal Tacsi Ah u Diray Qoysaskii Ay ka Baxeen Dhalinyarro Reer Somaliland Ah Oo Ku Jiray Doonidii Ku Burburtay Badda Mediterian-ka

0
564

Xildhibaanku Waxa Uu Ku Baaqay In La Iska Kaashado Shaqo u Abuurka Dhalinyarrada

BURCO(QYN)- Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan Golaha deegaanka degmadda Burco, ayaa dhalinyarrada Somaliland ku booriyay inay ka waantoobaan inay nafahooda ku biimeeyaan tahriibta halaaga ah. Waxaanu tacsi u diray qoysaska illaa lixdameeye dhalinyarro ah oo reer Somaliland ah oo ku dhintay dooni ku burburtay badda Mediterian-ka  oo ka shiraaqday dalka Masar.

Xildhibaan Mubaarig Bidhi waxa uu sidaasi ku sheegay dhambaal uu tacsi ah oo uu kaga damqaday masiibada doonidan ka dhalatay, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

“Waxaan ILAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoysaskoodiina samir iyo iimaan ka siiyo dadkii ku dhintay doonidii ka shiraaqatay xeebaha Masar una sii jeeday dalalka Yurub ee burburtay isla markaana ay ku dhinteen dad ku dhow 730 oo saarnaa dooni macmal ah oo siday 400 oo qof. Dhimashadani waa mid caalamka u soo bandhigaysaa xawaaraha    masiibadda tahriibka.

Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii ay ka baxeen dhalinyarradii  Somaliland ee ku naf waayay halaagan, waxaanay ILAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoysaskoodiina samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo. Inkasta oo aan la haynin tiro koob rasmi ah haddana waxa la sheegay in lixdameeye dhalinyarro reer Somaliland ahi ay naftooda ku waayeen  masiibadan caalamiga ah.

Sidaas darteed, waxaan cod dheer ugu baaqayaa dhalinyarrada reer Somaliland in ka joogsadaan inay nafahooda ku haligaan badaha fog. Waxaan ku boorinayaa in dawlad, ganacsato iyo dadweyneba la iska kaashado sidii fursado shaqo abuur loogu samayn lahaa dhalinyarrada.”

 

 

 

 

 

Qoryaalenews.com/Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here