Gabal Dumay Waa Qalinkii C/raxmaan Xuseen Abokor

0
731

Waayadan Dabuubtiisa gabay kuma dedaalayne Dibnahayga waataan ka dhigay deelka maansade’e Maantana waxbaa igu diraye dan uma yeesheene Dal goblamay dhul laga doolay oo doorki ka idlaaday Dusha badaha maydkiyo lafaha qooriyada daadsan dhimashada ma diidine kuwaan ciidna lagu duugin Qayladan is daba joogsatay ee goorna damiweydey Dugayeeyda hooyada midkay dihatay loo sheegay Degmadeenan waagii beryaba diilalyadu hayso Nin dareemi karayoo dhan bay dacari caysaaye Afartaa dambaab kuma hadlee daw ma qabadsiiyey Dirqina kuma idhaahdee murtidu waygu soo degiye sida dirirka hooraan naflaha erey ku doojaaye Macnahay tixdani daaranayd ma idin deeqsiiyey Gabal dumay dayaxa kuu dhacaybaa kaaga sii darane Darxumooyin soo wada socdaan diirad ku hayaaye Da’yar iyo cirooleba la socoy doorkan manta ahe Sidii xoolo diday bay mar qudha dayrka jebiyeene Diirkiyo lafaha waxa ka galay doonistii yurube Dalandool waxay ugu bexeen dawga loo maro’e Nimankii dilaalka u noqdaa daabaca u rogaye Hadba dayr ku meersade sidii adhi damaankiiye Madax furashadii soo dalbade dollar fara weyne Waxay xeebta kaga daabuleen doon shiraaqyo lehe Jidhku waa dubaaxyeynayaa daawadashada qaare Badahay ku wada dabar go’een lalama doonayne Afartaa dambaab kuma hadlee daw ma qabadsiiyey Dirqina kuma idhaahdee murtidu waygu soo degiye sida dirirka hooraan naflaha erey ku doojaaye Macnahay tixdani daaranayd ma idin deeqsiiyey Digtoorkuba markuu sabab heluu cudur dabiibaaye Dawo ma laha dhaymaha saraan eelka loo degine Dabaylahakan ina qaaday iyo daadka ina jiidhay Duufaantu meeshay ka timi dood ma laga yeeshay Ma duqayti iyo waalidbaa daba ka riixaaya Miye derejo sare moodayaan yurub ka soo duula Dalacaad miyey moodayaan caydh in lagu daaqo Digriigii ay qaateen miyaa dux u lahaan waayey Ma siyaasigii baa dayacay talada loo doortay Ma ragii degmadu dhawraysaa raacday danohooda Caku sahanka wiil loo diroo tiisa qudha doojay Afartaa dambaab uma hadlee daw ma qabadsiiyey Dirqina kuma idhaahdee murtidu waygu soo degiye sida dirirka hooraan naflaha erey ku doojaaye Macnahay tixdani daaranayd ma idin deeqsiiyey Dunidaa kusii yaacaysaan haatan laga duufye Daran doori bay ula bexeen daakhil iyo fooqe Daba goosi bay taagan yihiin wixii ku duugnaaye Teenaaba dihinbaa la yidhi doorka maanta ahe Waxa dunida murankiyo ka riday dooda iyo buuqa Ee la isu wada dooxayaa degel yar weeyaane Anoo degey adaa soo durkaybaa la isku dilayaaye Dakanaduba meeshay ka timi damaca weeyaane Idinkuna dalkeenii cidlaad kaga dareerteene Niman dunidu wada gawdhisay oo diif qabaa jiraye Weligood rag doondoonayoo daalanbaa imane adna inaad duleed qaayibkaa waa daliil jaban Afartaa dambaab kuma hadlee daw ma qabadsiiyey Dirqina kuma idhaahdee murtidu waygu soo degiye sida dirirka hooraan naflaha erey ku doojaaye Macnahay tixdani daaranayd ma idin deeqsiiyey Sagaarada manbaa lagu dagaa dabina hoos yaale Goobtii mid hore lagu dilaybay dib u timaadaaye Dalluuntiyo hoggii loo qoday dalaq tidhaahdaaye Iyadiyo dariiqaad martaan wax isma doorshaane Doqonbaa cad quudheed raboo sii dugaashade’e Dulsaarnimo wixii lagu helaa idinma deeqaane Waxba doolar yaan lagugu siin derejo caydheede Dulli aan ilaahay ku badin duudka ha u ridane Daayinbaa arsaaqdana hayee adigu hays doorin. W/C: Hal-Abuur Cabdiraxmaan Xuseen Abokor (Casoowe)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here