“Xalka Tahriibka Waxaan U Arkaa In Marka Ugu Horeysa Dallada SONYO La Baabiyo, Bajadkoodu Waa 1,200,000$, Gobolkastana Niman NGO-yo ah Oo Ay Isku Shaqaystaan Ayay Dhigteen”. Xildhibaan Bidhi

0
503

(QYN-Hargaysa) Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Degaanka Burco, horena u ahaa ciyaartoy caan ka ahaa dhulkii laysku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya, sannadihii sidetamaadkii, hadana u ololeeya arrimaha dhalinyaradda iyo wax ka qabashada Tahriibka, ayaa xalka ugu horeeya ee Tahriibka aafeeyay ubaxii waddanka ku tilmaamay in marka hore la kala diro Dallada magaca dhalinyaradda Somaliland sheegata ee SONYO oo uu sheegay in shakhsiyaad koobani ku shaqaystaan
“Xalka Tahriibka Waxaan U Arkaa In Marka Ugu Horeysa Dallada SONYO La Baabiyo, Bajadkoodu Waa 1,200,000$, Gobolkastana Niman NGO-yo ah Oo Ay Isku Shaqaystaan Ayay Dhigteen”. Xildhibaan Bidhi

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Degaanka Burco, horena u ahaa ciyaartoy caan ka ahaa dhulkii laysku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya, sannadihii sidetamaadkii, hadana u ololeeya arrimaha dhalinyaradda iyo wax ka qabashada Tahriibka, ayaa xalka ugu horeeya ee Tahriibka aafeeyay ubaxii waddanka ku tilmaamay in marka hore la kala diro Dallada magaca dhalinyaradda Somaliland sheegata ee SONYO oo uu sheegay in shakhsiyaad koobani ku shaqaystaan.

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo waraysi gaara siiyay Telefeeshinka Star’Tv, wuxuu yidhi. “Anigu xalka koobaad waxaan u arkaa (Number 1), in SONYO la baabiyo oo la kala diro oo dhismaha quruxda badan ee ay ku jiraan loogu adeego oo lagu wareejiyo ardayda Jaamacadaha, anigu xalka koobaad kaas ayaan u arkaa horena waan u sheegay hadana waan u sheegaya”.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata wuxuu markale yidhi. “Xalka koobaad waxaa weeye ururka SONYO oo aan matalin dhalinyaradda Somaliland meelna ku matalin cidina aanay dooran, kana koobaan niman NGO-yo ah oo ka kooban ururo oo Gobol walba la dhigtay oo u jeedaduna  tahay inay ku shaqaystaan, Bajadkoodu waxaa weeye shirkii ugu danbeeyay ee aan ka qayb galo wuxuu ahaa Hal Milyan iyo laba boqol oo kun oo dollar, lacagta intaas leeg ee ay qaataan hay’adaha ayaa siiya, waxaa is waydiin leh hay’adaha yaa u fudaydiyay, anigu waxaan leeyahay cidbaa u fududaysay waxaan leeyahay SONYO ha la kala diro”. Sidaa ayuu hadalkiisi ku soo xidhay Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi)

Xigasho:Wargeyska Somalilandtoday