Halkan Ka Akhriso Magacyada Shantii Qof Ee Maanta Ku Dhintay Shilkii Baabuur Ee Ka Dhacay Duleed Bari Ee Magaalada Hargeysa.

0
530

(QYN Hargeysa)-Alla haw baxaristee waxa saaka xilli hore shil gaadhi ku naf waayay shan ruux Kuwaasi oo la kala socday laba gaadhi oo isku galay duleedka magaalada hargeysa gaar ahaana kaantaroolka haleeya oo dhanka bari kaga beegan magaalada hargeysa.

Waxaana shilkaasi gaadhi ku nafwaayay shan ruux kuwaasi oo afar kamida ay la socdeen booyad kamida labada booyadood iyada oo booyada kalena ay la socdeen laba ruux,waxaana labadaa booyadood ka badbaaday hal ruux oo ahaa darawalkii waday labada booyadood midkood.

Shantan ruux ee ku naf waayay shilkan baabuur ee ka dhacay duleedka magaalada hargeysa ayaa ay kala ahayeen magacyadoodu sida tan.1)Xamse Muuse Madar 2)Mustafe Maxamed Axmed 3)Saleebaan Cali Cumar 4)Axmed Cabdi Maxamed iyo waliba marxuunka shanaad oo isaga magaciisa aan la shaacin  balse lagu soo gaabiyay Xamse.

Waxaana shilkaasi ka badbaaday ruuxii shanaad oo isagu ahaa darawalkii waday booyad kamida labadaa booyadood waxaana xaaladiisa caafimaad lagula tacalaayaa cusbitaalka wayn ee magaalada hargysa.

Wararka kale ee nasoo gaadhayaa ayaa sheegaya in shil baabuur oo kale uu galinkii danbe ee maanta uu ka dhacay jidka u dhaxeeya magaalooyinka hargeysa iyo berbera, waxaaa gaadhiga shilka galay uu ahaa gawaadhida loo yaqaano baska.

waxaan sida Warbaahinta u xaqiijiyeen dad goob joogyaal ahaa ay noo shegeen inaanu sababin wax khasare dhimasho ah marka laga reebo dhaawacyo fudud oo soo gadhay dadkii la socday gaadhigaas.

Waxaan mudooyinkii u danbeeyey isa soo tarayay shilalka baabuurta eek a dhacay jidadka magaalooyinka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here