Faysal Cali Waraabe Oo Hadalo Adag Ku Ganay Masuul Xil Ka Hayay Xukuumada Somaliland Oo Xilkale U Doontay Dalka Soomaaliya

0
582

 

 

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa Maanta Ka Qayb Galay Munaasabd Lagu Xusaayay Munaasabad Loogu Ducaynaayay Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Alle Ha U Naxariistii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Oo U Dhashay Dalka Somaliland Ahaa Ayaa Ahaa Madxweyne Aan La Hilmaami Karin Waxqabadkii Dhaxal Galka Ahaa Ee Uu Ka Tagay Madaxweynihii Hore Somaliland Faysal Cali Waraabe Oo Arintaas Ka Hadlaaya Ayaa Yidhi

Munaasabadani Waxay Ahayd Maalin Aad U Mudan Isla Markaana Aad Loo Soo Camiro Hadii Ay Tahay Dawlad Iyo Haday Tahay Siyaasiyiinba,Waanad Aragtaan Siday Maanta Munaasabadsani U Muuqato Waana Taariikh Aan La Hilmaami Karin Wax Qabadka Uu Qabtayna Maaha Mid La Qarin Karo,Waa Mid Ka Muuqata Dalka Somaliland Lamana Ilaawi Karo

Faysal Cali Waraabe Sidoo Kale Waxa Uu Hadalo Sarbeeba Ku Ganay Qaar Ka Mida Masuuliyiin Iyo Siyaasiyiin Iyo Weliba Qaar Ka Mida Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka Ah Waxaanu Ku Ganay Hadalo Ay La Dheceen Dadkii Ka Soo Qayb Galay Munaasabadaas Waxaanu Yidhi,Siyaasiyiinteena Qaar Badan Uma Dhega Nugla In Ay Ka Qayb Galaan Munaasabadaha Wax Tarka Leh Xataa Ha Noqoto Mid Lagu Ururinaayo Qaadhan Ama Lagu Xusaayo Taariikh Dalku Leeyahay,Waanad Aragtaan Xubnaha Maanta Laga Tabaayo Munaasabadaas,Bal Maa Maanta La Yidhaahdo,Inanbaa La Meherinayaa Inay Isa Soo Camiri Waayaan,

Sidoo Kal Faysal Cali Waraabe Waxa Uu Ka Hadlay Masuul Xil U Hayay Qaranka Somaliland Isla Markaana Xil Looga Magacaabay Dalka Soomaaliya Waxaanu Yidhi:

Soomaaliya Iminka Waxay Bilawday Inay Yidhaahdaan Qofkii Reer Waqooyi Ah Ee Haysta 50 Saxeex Oo Heerkooda Ah Waxa Uu Noqonayaa Xildhibaan Ka Tirsan Xildhibaanada DFS Isla Markaana Waad Aragtaan Sida Ay Doonayaan Inay U Mijo Xaabiyaan Jiritaanka Somaliland Durtaba Waa Kuwaa Bilaabay Intay Yaacaan Inay Fadhiistaan Guriga Yar Ee Uu Shaqeeya Jawaari Ee Yidhi Beelaha Somaliland Ayaanu Metelnaa

Goortii Aan Oran Jiray Salaadiinta Hala Garbo Duubo Waataa Maanta Taagan Waa Inaynu Arintaa Meel Uga Soo Wada Jeesanaa Waayo Hadii Kale Waa Layna Rifayaa,Waxaana Makhraati Ka Ah Qareenkii Guud Ee Somaliland Oo Shalay Loo Dhaarinaayay,Maxkamada Sare Ee Dalka Soomaaliya,Waxaanu Ku Tagay Talo,Waa Xiligii Ay Oran Jireen Waynoo Soo Kala Horaynayaan,Waxaasaa Inagu Socda Dee Waynu Hurudna Ileen Hadalkisii Faysal Cali Waraabe Waxa Uu Ku Soo Geba Gebeeyay Duco Uu Ilaahay Uga Baryay Inuu Alee U Naxariisto Madaxweynihii Hore Ee Dawlada Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here